Wasiirka Dib u Dejinta Oo Ka Gaabsaday Inuu Sharaxo Qorshe Dib Loogu Cusboonaysiinayo Kaadhadhka Qaxoontiga Ku Nool Somaliland

0
286

Hargeysa (Dawan)-Wasaaradda dib u dejinta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa magaalada Hargeysa ka bilowday bixinta kaadhadhka dadka qaxoontiga ah, waxaana shalay xarunta wasaaradaasi  soo buux dhaafiyay boqolaal qof oo xaqoonti ah, kuwaasi oo ka soo jeeda dalka Itoobiya, una badan qoomiyadda Oromadda. Xarunta wasaaradda dib u dejinta Somaliland,  ayaa shalay lagu arkayay qaxoonti tiro badan oo safaf dhaadheer ugu jiray qaadashada kaadhadhka qaxoontinimada, dadkaasi ayaa dhammaantood ah qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya, waxaanay isugu jiraan kuwo ay hore u diwaan-gelisay Hay’ada qaxoontiga u qaabilsay qaramada Midoobay ee UNHCR iyo kuwo cusub.
Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda UNCHR, kama mid ahaa masuuliyiintii shalay ku sugnayd xarunta wasaaradda dib u dejinta ayaa ka hadlay arrinta dadkan qaxoontiga ah ee ka soo jeeda dalka Itoobiya, waxaanu sheegay in ay dadka qaxoontiga ah u cusboonaysiinayaan  kaadadhka wakhtigoodu dhammaaday, waxaanu tilmaamay in khaadhadhka la siiyay dad gaadhaya illaa laba kun oo qof, halka ilaa todoba kun oo kalana ay dalbanayaan magan geliyo.”
Wasiirka  wasaarada dib u dejinta Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo aanu arrintan wax ka waydiinay ayaa isagu ka gaabsaday inuu ka hadlo xaaladda dadkan Itoobiyaanka ah, ee loo cusboonaysiinayay kaadhka qaxootinimada ee ay wadanka ku joogeen, oo ay siinayeen wasaaradda dib u dejinta iyo Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply