Dawladda Somaliland Oo Baadhaysa Shirkad Laga Leeyahay Soomaaliya Oo Sharci La’aan Kaga Hawl-gashay Dalka

0
281

Hargeysa(Dawan): – Wasaaradda Ganacsiga iyo Maaligashiga Caalamiga ah ee  Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa soo saaray qoraaalo ay ku baadi goobayaan saamilayda Shirkad lagu magacaabo SOMALIA OIL COMPANY.
Shirkadaasi  oo la sheegay inay si sifo sharci darro ah dalka Somaliland in muddo ah kaga shaqaysanayeen islamarkaana ay Masuuliyiinta Shirkadani dacwad lagaleen Muwaadinka isagu leh Shirkada Samaynta Liisamada Lafta ah ee Somaliland.Sida lagu sheegay  qoraallo ay shalay siyaabo kala duwan u soo saareen wasaaradda ganacsiga iyo maxkamadda gobolka Maroodijeex, oo lagu baahiyay qaar ka mid ah shebekadaha wararka.
Shirkada SOM OIL ayaa in muddo ahba dacwadi kaga socotay Maxkamada kadib markii ay sheegteen in ay leeyihiin mulkiyad shirkad kale oo magaceeda la yidhaahdo SOMALILAND ID CARD PUBLISHER COMPANY oo ah shirkada ku guulaysatay daabacaada Liisamada Lafta ah.
Waxaana la sheegay in  Mulkiilaha Shirkada Somaliland Id card Publisher Company cabasho u soo gudbiyay iyo xeer been abuur ah oo ay ka barbar samaysteen xeerka rasmiga ah ee shirkadiisa ayay Wasaradu baadhitaan ay sameeyeen ku adkaatay in ay helaan sharciyada Shirkada la magac baxday SOM OIL iyo saamilaydeedaba. Iyadoo la ogaaday  in aanay shirkadaasi  Somaliland ka diiwaan gashanayn.
Shirkadan ayaa ah shirkad ka diiwaan gashan dalka aynu deriska nahay ee Somalia oo ay rag u dhashay Somaliland wakiil uga yihiin Somaliland ayaa si baabul khiyaamo ah u sheegtay qeyb ka mid ah saami Shirkada Somaliland Id Card Publisher Company sida ku cad warqada Nootaayada ee ay keligood ka samaysteen Xafiis Nootaayo iyaga oo isku qoray 50% saami ka mid ah shirkada wadaniga ah ee SOMALILAND ID Card publisher company oo qaranka u qabata adeega daabacaada Liisamada Lafta ah. Kadib markii ay Dacwad madani ah ka furteen Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayay Maxkamadu ku amartay inay maxkamada u soo Gudbiyaan sharcigooda ay Dalka kaga Diiwaan gashan tahay.  Dhinaca kale Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamaga ayaa qoraal u qortay saamilayda Shirkada oo ka codsatay inay u soo gudbiyaan Wasaarada Ganacsiga isla markaasna baadhitaan ugu jirta cida iska leh Shirkadan oo aan dalka laga aqoonsanayn. Lama oga sababta ay dacwada uga furteen Maxkamadaha maadama aanay ahayn shirkad leh Sharciyad oo aan ka diiwaan gashanayn Ha’yadaha  Qaranka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply