Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Shahaadooyin Guddoon Siiyay Arday Diyaarisay Shahaadada Master-ta

0
257

Hargeysa (Dawan)-Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay ka qeyb galay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 20 arday ka qalin-jabisay jaamacada Abaarso Tech, kuwaasioo dhammaysatay shahaadada heerka labaad ee Master degreega.
Aradayda ka qalin-jabiyay jaamacadan Abaarso Tech ayaa ka koobnaa laba kuliyadood oo kala duwan, kuwaasi oo dhammaystay culuumta Puplic Health iyo Bussines Administration,  ardaydaas oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.
Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md. C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil Saylici oo goobta ka Hadley ayaa hambalyo u diray ardayda dhamaysatay shahaadada masterka waxaanu bogaadiyey maamulka jaamacada Abaarso Tech, isagoo dardaarana u soo jeediyey dhammaan ardayda halkan ka qalin jabisay,
Madaxweyne ku xigeenka ayaa kula dardaarmay ardayda dhammaysatay shahaadada labaad ee Master degreega in cilmiga ay barteen ay dib ugu celiyaan dalka, islka markaana ay ugu faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkoodaba.
Guddoomiyaha jaamacada Abaarso Tech Prof. Axmed Xuseen Ciise oo halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer ugu waramay heerarkii kala duwanaa ee ay jaamacada Abaarso Tech soo martay, intii ay jirtay iyo guulaha la taaban karo ee ay jaamacadu gaadhay, taasi oo uu tilmaamay in wakhti xaadirkan ay muuqato midhaheedii.
Xubno kamida arday dhammaysatay shahaadada heerka labaad ee Masterta ee jaamacada Abaarso Tech oo iyaguna goobtaasi ka hadley ayaa amaan iyo mahadnaqba u soo jeediyey dhammaan maamulka iyo macalimiinta jaamacada Abaarso Tech., kuwaasi oo ay sheegeen in ay wakhti iyo tamarba ku bixiyey sidii halkan u soo gaadhi lahaayeen.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply