Galaydh Iyo Ku-xigeenkiisa Gacanta Isula Tagay Iyo Kooxda Khaatumo Oo Qarka u Saaran Burbur

0
402

Sool (Dawan):- Khilaaf adag ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay  hor-joogaha kooxda Khaatumo Cali  Khaliif Galaydh iyo  ku xigeenkiisa    Cabdalle Haybe  (Cago-Lule), khilaafkaasi oo ka dhashay  ka dib markii ay labadaasi nin isku aragti ka noqon waayeen jidka  ay u marayaan siyaasadooda dhagaraysan ee  ay  ku waxyeelaynayaan nabad-gelyadda deegaamada ay ka soo jeedaan ee Sool iyo Buuhoodle.
Sida ay sheegayaan warar arrintaasi la xidhiidha oo aanu helnay  Cali Khaliif iyo Cago-lule, ayaa  haatan  waxay ku kala sugan yihiin meelo kala duwan, waxaanay wararku sheegayaan in  cago-lule iyo  xubno isaga taabacsan oo ka tirsan kooxda Khaatumo ay ku sugan yihiin degaanka Boocame ee gobolka Sool, halka Cali Galaydh-na la sheegay in uu ku sugan yahay degaanka Buuhoodle.
Sidoo kale waxay wararku intaasi ku darayaan in khilaafkani uu sii huriyay kadib markii  ninka ku magacaaban madaxweyne ku xigeenka  kooxda Khaatumo,   uu  Cali Khaliif ku eedeeyay in uu ka gaabiyay dhammaanba hawlihii  uu masuulka ka ahaa, isla markaana uu isagu masuul ka yahay  xaaladaha  kooxdoodda soo waajahay wakhtigan iyo in uu  Cali Khaliif kelidii tuurta ku sito  maamulkii kooxda Khaatumo.
Xubno odayaal iyo waxgarad ah oo si dhow ula socday khilaafka  hor-joogaha Khaatumo iyo ku xigeenkiisa  ayaa wargeyska DAWAN  u xaqiijiyay in lagu guul daraystay  qorsheyaal la doonayay in la isugu soo dhaweeyo labadaasi nin. Hase yeeshee  isku dayadaasi aanay waxba ka suurto-gelin.Kadib markii sida ay sheegeen odayaashaasi Cali Galaydh iyo Cago-lule uu midba midka kale ku tilmaamay in uu isagu khaldan yahay, iyadoo aakhirkiinna dhammaanba isku dayadaasi ay noqdeen kuwo fashilmay sida ay ku warameen ilo looga qaateen ah oo ku kala sugan Buuhoodle iyo Boocanne. Khilafka kooxda nabad diidka ah ayaa la sheegay in uu muddo soo jiitamayay, iyadoo sannadkii hore dabayaaqadiisii  mar ay odayaal degaanka ahi kulansiiyeen labada nin la sheegay in uu gacan ka hadal  dhex maray.
Cali Khaliif Galaydh oo ah aqoon-yahan da’ ahaan madaxa la sii gelaya dhawr iyo toddobaatan jir, ayaa carrooga u qaatay inuu colaad ka huriyo deegaamadda Somaliland ee uu u dhashay, iyadoo dedaal kasta oo uu dalkan iyo dadkiisa u soo maleegaaba ay dhiciseeyaan Ciidammadda qaranka oo inta la ogyahay illaa saddex jeer baacsaday sannadkii u dambeeyay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply