Wasiirka Warfaafinta Oo Guddi u Saaray Dib u Habaynta Shaqada Iyo Shaqaalaha Wasaarada

0
432

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta  Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdillaahi Maxamad Daahir (Cukuse),  ayaa ku dhawaaqay guddi dib u habayn iyo qiimayn ku samayn doonta shaqaalaha iyo shaqada wasaarada warfaafinta.
Guddidan oo uu shalay magacaabay Wasiirka Warfaafintu waxa madax u ah Wasiir Ku-xigeenka wasaaradaasi marwo Shugri Xariir Ismaaciil, waxaana xubno ka ah Agaasimaha guud iyo Maareeyaha TV-ga qaranka. waxa Guddidan ku jira xeel-dheereyaasha iyo agaasimeyaasha waaxaha ee wasaaradda warfaafinta.
“Kulankan  maanta (shalay) oo ay goob joog ka yihiin waayeelkii, waxgaradkii iyo dadkii waaweynaa ee wasaarada warfaafinta Somaliland ay laheyd odayadii oo ay badankoodii joogaan iyo masuuliyiintiiba waxaa ay ujeedadiisu daaran tahay, inaynu furdaamino barnaamijka dib u habeynta shaqaalaha wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somalilland iyo shaqada wasaarada iyo shaqaalaha dib habeyntooda,”ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Cukuse oo shalay ka hadlay shir jaraa’id oo uu kaga dhawaaqay Guddidaas.
Wasiirku  waxa uu sheegay in xalka ugu habboon ee lagu dhammeyn karo caqabadaha inta badan hor-taagan shaqada wasaaradda ay tahay guddidan oo masuuliyadda uu u igmaday ka soo dhalaasha.  “Muddo laba sannadood iyo dheeraad ah, ayaynu ku cel-celinaynay in la dhammaynayo caqabadaha noocan oo kale ah, laakiin wixii mar walba caqabada innagu ahaa waynu naqaana maanta, marba waji cusub ayay lahayd caqabadahaasi, ILAAHAY mahadii , imika ma nihin kuwo ay caqabadahaasi celin karayaan, waxaynu helnay xalkii ugu wanaagsanaa ee lagu furdaamin lahaa, furihiisii, kaas oo ah kulankan aynu maanta qabanay kana soo talin doona sida aynu xal uga gaadhayno arrintaasi,”ayuu ku dooday Wasiirka warfaafintu.
Wasiirku waxa uu xusay in Guddidaasi looga fadhiyo inay xal wasaaradu ku naalooto ay soo goo’yaan, waxaanu yidhi  “Waxaan Illaahay ka baryayaa inuu  innagu asturo xilka guddidaas aad ka kooban tihiin ee aynu u magacownay, agaasimaha guud, maareeyaha Tv-ga Qaranka, iyo wasiirku xigeenka oo madax idiinku ah idinkuna hagi doonta shaqada, wasaaradana madaxdeedi ayaad ahaydeen, aqoon-yahanadeedi ayaad ahaydeen, xafiisyadana intooda badan idinkaaba masuulka ah, waxaa aynu u baahanahayna waynu is farnay waxaana weeye inaynu isfarno jawi shaqo, iyo shaqaale wanaagsan oo cadaalad aynu ugu xaqsoornay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply