Hoggaanka KULMIYE Oo Ka Hadlay Wada Hadallo Ay La Gelayaan Siyaasiyiintii Ka Biyo Diiday Shirkii Golaha Dhexe

0
481

Hargeysa(Dawan)- Xoghayaha guud ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa sheegay in wada hadal u socdo siyaasiyiintii la baxay isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ah ee ka biyo diiday qaabkii loo maamulay shirkii golaha dhexe ee lagu doortay murrashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee  uga qeyb-gali doona doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay wadanka ka qabsoonto 2017-ka.
 
Xasan Siciid Yuusuf oo shalay u waramayay Telefishanka Royal ayaa waxa uu tilmaamay inuu sharci yahay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka go’an tahay in wada  hadal lagu dhammeeyo khilaafkii ka dhashay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE.
 
“Wada hadallo dadban iyo kuwo toos ahba way iska jiraan, mana rejo xumin, waana laga heshiiyaa wixii khilaafa ee jira, waxaana xisbi ahaan naga go’an in aanu  ragaas soo dhawayno, la hadalno wixii la tabanayaba laga wada  hadlo.Waxa shardiya shirkii golaha dhexe ee xisbiga ayaa qabsoomay, waana in loo  hogansamo shirkaa go’aamadii ka soo baxay, waana qasab in loo wada hogaansamo iyaga iyo annagaba iyo cid  kasta oo xisbiga ka tirsan,”ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee KULMIYE.
 
Xoghayaha KULMIYE waxa uu ka hadlay sifaha ay kula hadli karaan siyaasiyiintii ka biyo diiday hanaankii uu u qabsoomay bishii November ee kal-hore shirweynihii Golaha dhexe, waxaanu yidhi “Waana jecel nahay in xisbigu dib igu soo laabtaan oo aanu dhammaysano wixii arrin ah ee naga dhaxeeya, waana jiraan dad ka shaqaynaya in laysku soo dhawaado oo la wada hadalo,  ciddii iyo shakhsigii iska tagayaa waa akhtiyaarkii ee meel kale u jahaysanayaa, cid la khasbayaa ma jirto. Waxaase muhiima xisbigu sharci ayuu leeyahay waana in loo hogaansamo.”
Xasan Siciid waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan aanay cuqdad ka qabin in xukuumadda ka mid noqdaan siyaasiyiin ka soo horjeeday xisbiga KULMIYE. “Xukuumaddu xisbiga KULMIYE ha ka soo baxdo, Laakiin waa dawlad dadka Somaliland oo dhami u siman yihiin. Sida dastuurkeennu dhigayo xaq baanu u leeyahay muwaadin kasta oo Somaliland ahi in xil ka qabto xukuumadda,”ayuu ku jawaabay Xoghayaha xisbul xaakimka oo la weydiiyay arragtidooda la xidhiidha masuuliyiin aan KULMIYE ku abtirsan oo xilal sarsare ka qabtay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
 
Xoghaye Xasan Siciid waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu hore ummadda ugu balan-qaaday in xukuumadiisu noqonayso mid ummadu iska wada dhex aragto,waxaanu yidhi “Madaxweynuhu markuu xilka  qabtay wuxuu balan-qaaday in umadda Somaliland oo dhan u siman yahay, markaa waa masuuliyad uu gutay in xukuumadii ka qeyb-gelinayo iyo tallada dalka, wax cuqdada kama qabno xisbi ahaan in cid kasta xukuumadiisa uu  ka qeyb-geliyo.”
Xasan Siciid Yuusuf waxa uu ku dooday in ay rejo weyn ka qabaan in xisbiga KULMIYE  ku guulaysanayo doorashadda madaxtooyadda iyo golaha wakiiladda. “Guusha iyo guul daradu xaga Alle ayay ka qoran tahay, laakiin rejada aanu qabnaa waa 100% in aanu ku guulaysanayno doorashadda soo socota.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply