Qofna Xabaasha Kuma Jirayo 15 Sano Wax Ka Badan

0
441

Suurtagal maaha in qof mayd ah dalka Senegal uu qabrigiisa ku jiro wax ka badan 15 sano. Dhulka ayaa noqday hantida ugu mudan ee ay dawladdu gacant ku hayso sanadihii ugu danbeeyay .
Dawladda ayaa sanadkii 1998 soo saartay sharci dhigaya inaan dadku iibsan Karin dhulka xabaalaha laga dhigayo, laakiin ay dawladda ka kiraysan karaan muddo 15 sano ah, sidaas darteed mudadaasi wixii ka danbeeya qabuurahasi dadka waa laga saaraa waxaana laga dhigaa dariiqyo, suuqyo iyo xarumo waaweyn oo ganacsi.
Dad badan oo dalkaasi ayaa dhaleecaynaya xabaalaha la qodayo ee laga saarayo maydka oo meel kale la geynayo, laakiin waxay ku adkaysanaysaa nidaamkani inuu yahay mid muhiim ah dhulka iyo dadka  ku aasanba.

Leave a Reply