Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Safiirrada Norway, Denmark Iyo Holland U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

0
284

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed  Maxamuud  (Siilaanyo),  ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay  safiirrada dawladaha Denmark, Norway iyo Holland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, oo ay wehelinayeen xubno ka socday hay’adaha Somaliland ka taageera dhinaca horumarka.
 
Weftigan  isugu jiray   hay’adaha Somaliland ka taageera dhinaca horumarka  gaar ahaana hay’adda DFID ee dalka Britain iyo safiirradda Norway, Holland iyo Denmark oo dalka yimid Isniintii doraad, isla markaana soo kormeeray  meelaha ay ka socdaan mashaariicda laga maalgeliyo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF).
Waxaana weftigaasi shalay qaabilay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo,  oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.
 
Kadib markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa waxa warbaahinta si wada jir ah xarunta madaxtooyadda kula hadlay  wasiirka  arrimaha dibada iyo is-kaashiga calamiga  ah Dr. Sacad Cali Shirre iyo ms Mette Knudsen oo ah safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo soomaaliya oo weftigaasi hogaaminaysay.
Dr. Sacad Cali Shirre, oo ugu horayn halkaasi ka hadlayna waxa uu yidhi   “Ilaa shalay (doraad),  waxaa inala joogay wefti heer caalami ah oo ay hogaaminayaan, saddex safiir iyo madax ka socota hay’adaha horumarka inaga taageera  ee wadamadaas. Safiiradani waxay ka kala socdaan Norway,  Denmark iyo Holland, waxaana wehelinayay  madaxa hay’adda horumarka DFID ee laga leeyahay dalka Ingiriiska”.
Waxaanu intaasi ku daray “Ujeedada ugu wayn ee ay dalka u yimaadeen waxay tahay   inay   soo indho-indheeyaan mashaariicda laga maalgeliyo sanduuqa horumarka Somaliland ee  SDF, oo ay iyagu runtii maalgeliyaan,  waxay soo mareen mashruuca biyaha  iyo mashruuc wadooyinka ah. Runtii  aad ayay ugu faraxsanyihiin horumarka iyo mashaariicda ay wadaan.  Shalay (doraad) iyo maanta (shalay)   waxay  la kulmeen wasiirro  kala duwan iyo madaxweynaha oo ay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha horumarka,  abaaraha doorashooyinka iyo waxyaabo kale oo faro badan oo labada dhinacba ay danaynayaan’’ayuu yidhi Sacad Cali Shire.
 
 
Dhinaca kale safiirka dawlada Denmark u qaabilsan Somaliland iyo  Soomaaliya Ms Mette Knudsen  oo weftiga hogaaminaysay ayaa halkaasi hadal ka jeedisay,  “Anigoo ku hadlaya magacyaga iyo kan weftiga ila socdaba, ugu horayn waxaan jecelahay in aan u mahadnaqo dawladda Somaliland  iyo shacabkeedaba, sidii wanaagsanayd   ee ay noo soo dhaweeyeen. Waxaan filayaa in safarkan aanu ku nimid Somaliland uu yahay mid aad iyo aad faa’iido u leh. Sidaa uu wasiirku sheegay, shalay (doraad) waxaanu booqanay qaar ka mid ah mashaariicda laga maalgeliyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, waxaanu soo aragnay dhismaha wadadda isku xidha tuulooyinka Dilla iyo Kalabaydh.
 
Waxa  kale oo aanu soo kormeernay mashruuca biyo-balaadhinta Hargeysa, waxaanu ku rejo weynahay in dhamaanba mashaariicdaasi ay u  guulaystaan  sidii loogu tallogalay, isla markaana ay bulshadda Somaliland si dhakhso ah uga faa’iidaysan doonaan”ayuu yidhi wakiilka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.
 
 
Ms Mette, oo hadalkeedda sii wadatay waxay tidhi “Saaka (shalay),  waxaanu kulan muhiim ah la yeelanay madaxweynaha Somaliland, sidoo kale maanta (shalay)  iyo shalay-ba (doraad) waxaanu kulamo la yeelanay xubno ka tirsan golaha wasiirrada  iyo sidoo kale wakiiladda xisbiyadda siyaasadda, ururadda bulshadda rayidka ah iyo gudidda doorashooyinka. Waxaan filayaa in kulamadaasi  dhamaanteenba ay faa’iido inoo lahaayeen, waxyaabahaasi oo   muujinayaan in Somaliland ay horumar ku socoto, taasi oo u muuqata in  mustaqbalka   ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Waxaa jirta in dhawaan dalka laga  bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si fiican u socota.
Waxaanu dhamaanteen rejaynayanaa in talaabooyinka dheeraadka ah ee doorashooyinka ay sidaas  u socon doonaan. Ta  koowaad waxay anaga noola muuqataa run ahaantii  inay ka go’an tahay   Somaliland   dhabaha dimoqraadiyadda ku socoto, isla  markaana ay  ka     dhici doonto doorasho lagu guuleysto”.
 
Sidoo kale Ambassador Mette Knudsen, waxay ka hadashay abaaraha ka taagan gobolo ka mid ah Somaliland. Waxaanay tidhi  “Sida uu wasiirku sheegay, run ahaantii waanu ka war-haynaa inay halkan  ka jiraan waxyaabo caqabado ah, oo ay ka mid yihiin abaarta ka taagan degaamadda qaar, waananu sii wadaynaa in aanu la socono, isla markaana  aanu  qiimeyn ku samayno baaxadda abaarta  todobaadkan dhamaadkiisa, sidii aanu u ogaan lahayn meelaha ay saamaysay. Waananu idinla socodsiin doonaa natiijadda saamaynta ay abaartu ku yeelatay  Somaliland’.
 
Wakiilka dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, waxa kale oo ay ka hadashay  qorshaha horumarinta qaranka Somaliland. “Sidoo kale, waxaanu rejaynaynaa in aad sii wadaan qorshiina horumarka qaranka, kaasi oo ah habka aanu ku qiimaynayno, sida ay uga faa’iidaysteen bulshadda Somaliland. Waxaanu idiinla shaqayn doonaa si dhaw” ayay tidhi Ms Mette.
Waxa kale oo ay sheegtay Ms Mette in labadda maalmood ee ay joogeen Somaliland in ay fursad u heleen in ay masuuliyiinta Somaliland kala doodeen arrimaha madaxbanaanidda Somaliland iyo qodobo kale.   “Sidoo kale waxaanu fursad u helnay in aanu ka doodno arrimo aan weli  heshiis laga gaadhin, tusaale ahaan gooni isku taaga Somaliland iyo arrimo kale.   Waxaan rejaynayaa in Somaliland ay noqoto qaran madaxbanaan mustaqbalka. Laakiin guud ahaan dawladayadu waxaanu  doonaynaa  in aanu la shaqayno Somaliland, oo aanu  ka taageerno  amaanka, horumarka dhaqaalaha iyo hirgelinta dimoqraadiyadda Somaliland” ayay hadalkeedda ku soo gebagebaysay Ambassador Mette.
Weftigan oo ka koobnaa 11 xubnood waxaa hogaaminayay safiirka dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ms Mette Knudsen, waxaana ka mid ahaa wakiiladda dawladaha Holland iyo Norway u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya. Sidoo kale waxaa weftigaasi ka mid ahaa masuuliyiin ka socday hay’adaha Somaliland ka tageera dhinaca horumarka oo  uu ka mid ahaa madaxa  hay’adda DFID ee dalka Britain.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply