Xukuumadda Oo Soo Saartay Go’aamo Lagu Adkaynayo Ammaanka Madaarrada Somaliland

0
296

Hargaysa (Dawan)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay soo saartay go’aamo cusub oo lagu mamnuucayo in madaarrada Somaliland laga dhoofiyo dhammaan waxyaabaha dareeraha ah, biraha baabuurta, laptop-yadda aan shidmaynin iyo mishiinadda kale ee furfurka ah.
 
Wasaaradda Duulistu sidoo kale waxa ay shaacisay, isla markaana ay ku wargelisay shirkadaha iyo dadweynaha kale ee isticmaala madaarrada Somaliland in ay mamnuucday in diyaaradaha dalka ka baxaya lala raaco Laptop-yada aan shidmayn ama si kale u cilladaysan, Biyaha, sharaabka, subaga, Muqmada iyo waxyaabaha kale ee la midka ah.
 
Sidaana waxaa sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland  Cumar Sayid Cabdillaahi Aadan, oo hadal ka jeediyay Tababar shalay loo furay hawl-wadeenada amniga ee madaarrada Somaliland, kaasi oo ay fulintiisa iska kaashadeen shirkada madaxa banaan ee arrimaha ammaanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo SRM iyo Wasaaradda Duulista  Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland.
 
Munaasibada Furitaanka Tababarkan  waxa ka hadlay Wasiirka Duulista Hawada Cismaan  Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista iyo Madaxa Tababarada Shirkada Ammaanka ee SRM Nawaal Axmed Saleebaan.
 
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar  Cabdillaahi Aadan waxa kale oo ku dhawaaqay in sare loo qaaday baadhistii Madaarrada Somaliland oo dhan, waxaanu dadka macaamiisha ah ee isticmaala madaarrada dalka u soo jeediyay in ay u dul-qaataan, waxaanu yidhi “Dhammaan dalkeena waynu jecelahay Amnigiisana waynu wada ilaalinaynaa, dadka rakaabka ah ee Madaarka ka dhoofa hadday yihiin reer Somaliland, hadday yihiin dadka Geeska Africa degan iyo hadday yihiin dadka Caalamka innooga imanaya dhammaantood, waxaanu la socodsiinaynaa in baadhistii Madaarrada Somaliland oo dhan sare loo qaaday, in goobihii wax lagu baadhayey la kordhiyay oo aanu qofka rakaabka ahi aanu dhib u dareemin haddii baadhitaanadu ay intii hore ka bataan.”
 
Agaasimuhu  waxa kale oo uu intaa ku daray “Sababtoo ah xaalada Amniga ayaa khasbaysa, in la ilaaliyo diyaarada iyo rakaabkeeda, Arrintii ugu dambaysay ee diyaaradii garoonka Muqdisho ka kacday ee la qarxiyey markii ay dhacday, waxaanu soo kordhinay in aanu joojino dhammaan wixii dareere ah in Diyaaradaha lala raaco, ee ama gacanta lagu qaadan jiray ama Shandadaha lagu ridi jiray, Dareeraha haddii aan fasiro waa Biyaha, waa sharaabka, waa Subaga, waa Muqmada, waxa ka mamnuuc ah in ay ka baxaan garoomada Somaliland, Dadka iyo Shirikadahaba waanu u sheegaynaa in aanay ku soo lug-go’in, sidoo kale Laptop-yada mid walba waa la shidayaa, Laptop aan shidmayn  Garoonka lagama  dhoofin doonto, Biraha Baabuurta, Diyaaradaha, Mishiinada, ee furfurka ah iyagana waanu joojinay.”
 
Mudane Cumar Sayid Cabdillaahi Aadan waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay tababarkan loo furay shaqaalaha amaanka madaarrada Somaliland, kaasi oo uu ku tilmaamay mid kor loogu qaadayo aqoontooda, waxaanu yidhi “Tababarkani waxa uu la mid yahay, Tababardii hore laydiin siin jiray ee kor loogu qaadi jiray aqoontiina, markii la aasaasayey Shirikada SRM, ayaa Khabiir ka mid ah ragga tababarka bixinayey waxa uu su’aal waydiiyay hawlwadeenada Ammaanka Madaarrada Somaliland, waxa uu ku yidhi ma Jeceshahay Dalkaaga, taas oo macnaheedu noqonayo haddii aanad Dalkaaga Jeclayn, shaqada ahmiyad ma siinaysid, oo dhibta iyo daalka uma adkaysanaysid.”
 
Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada  Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu fariin u diray Baarlamaanka Somaliland iyo Maamulka Dawlada Somaliya, waxaanu yidhi “Maanta Madaxtooyada Somaliland waxa ay Xeerka Duulista Hawada ku Celinaysaa Baarlamanka Somaliland, Xeerkaasi muddo ayuu rafanayey, marna waxa uu gaadhayey Guurtida, marna waa laga soo celinayey iminka markii ugu danbeeyay, waxa uu yaalaa isga oo aan la isla afgaran, waxaanu ku boorinaynaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan iyo Baarlamanka dhamaantood, in ay Xeerkaasi sidii dawladu u soo gudbisay ay u gudbiyaan, Xeerka Duulista Madaniga ah ee Somailand, waxa weeye %70 waxa uu ka kooban yahay Shuruucda aduunka , maaha Madaarku Dukaan Qof haysto, ama Bakhaar qof haysto oo uu leeyahay, Madaarkan waxaa Xukuma Shuruuc Caalami ah oo ay Aduunyada oo dhami ay leedahay, %30-ka soo hadhay waxaa lagu daneeyaa Danta gaar ee Wadankaasi leeyahay siday doontaba ha noqotee.”
 
Wasiir Cadaani isaga oo ka hadlayay  amarradii is khilaafsanaa ee ay Dawladda Soomaaliya kaga hadashay Duulimaadyada ka taga Hargaysa ee taga Muqdisho ayaa waxa uu yidhi “baryahan dambe hadalo ayaa soc-socday, kuwaasi oo ka soo yeedhayey Dalka Soomaaliya ama Dawlada Soomaaliya, hadalo ismaandhaaf ah run ahaantii, oo Madaxa Socdaalka iyo Wasiirka Duulistu ay ku kala duwan yihiin.”
 
Mr.  Caddaani waxa kale oo uu intaa ku daray “annaga sida aad ka war haysaan Haddaanu nahay Wasaaradda Duulista Somaliland kamaanu hadal arrintaas, oo waxaanan uga hadlin macluumad ayaanu baadhaynay, waxaan Dadweynaha reer Somaliland  iyo Soomaaliya, iyo Caalamka u sheegaya in aanay jirin wax alla wax fulin ah oo Dawladda Soomaaliya ay Somaliland Duulimaadyo kaga joojin kartaa , waayo Dawlada Somaliland waa xor oo dadkeeda ayaa u codeeyay mudo 25 Sano ah, haday Dhulkeeda tahay, haday Badeedatahay, iyo haday Cirkeeda tahayba iyagaa u Taliya oo cid kale oo ay u daba fadhiisanayaan ma jirto”
 
Wasiirku waxa kale oo uu intaa ku daray “waxa kale oo jira Maanta Hawada inaga iyo Somaliya inaga dhaxaysa, waxaa Xukuma Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabisan Duulimaadyada ee Marka Magaceeda la soo gaabiyo la yidhaa( ICAO) oo Gacanta ku haysa, waxa kale oo jira Heshiis Madaxwenaha Somaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ay galeen, oo ku saabsan Hawada labada Dal, heshiiskaas oo Caalamku ogaa, waxaad moodaa in Dawlada Somaliya ka noqotay, ama ay ku rafanayso, annagu haddii aanu nahay Wasaaradda Duulista S/L ee uu hogaamiyo Madaxweynaha J/S/L waxaanu Caalamka u sheegaynaa , in aanu aaminsanaahy heshiiskii labada Madaxwene saxeexeen, hadii wax lagaga noqonayana in aanan marnaba, aanaan ogalaanayn, in aan madaxbanaanida Hawadayada aanu Cidkale u dhiibno.”
Dhanka kale waxaa uu Wasiirku ku eedayey Dawlada Soomaaliya in ay jabisay Xeerarka Duulimaadyada Aduunka ee ay soo saaratay ICAO, iyo  Chicago Chicago conviction. Wasiirku waxa uu sheegay in ay Madaarada Somlialand ay iticimaali karaan Dadweynaha reer Soomaaliya haddii ay sitaan Basaboorka wadankooda oo ay dhawrayaan shuruucda Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in Madaarrada ay ku soo dhaweynayaan marka ay Madaxda Soomaaliya Diyaaraduhu la soo fadhiistaan ee uga sii gudbayaan Wadankooda Ama Wadamo kale, in ay u furayaan qolka nasashada ee VIP-da sida ay ugu furaan Madaxda Wadamada Jaarka iyo Caalamkaba. Madaxa Tababarada shirkada amaanka ee SRM Marwo Nawaal Axmed Saleebaan, ayaa iyaduna munaasibadaasi hadal ka jeedisay waxaanay tidhi “Saaka waxaanu Tababar u furanay Hawlwadeenada Amaanka Madaarada Somaliland, Tababarkan oo ay bixin-doonaan Khabiiro ku taqaqusay Amaanka Madaarada (Aviation Security expert), waxaana uu socon doonaa muddo laba Wiig ah.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply