Shir Lagu Faaqiday Mustaqbalka Deegaamo Murrano Xuduudeed Doorashooyinku Uga Qabsoomi Waayeen

0
240

Hargeysa(Dawan)- Shir saddex geesood ah oo ay iskugu yimaadeen xukuumadda, xisbiyadda iyo komishanka doorashooyinka qaranka oo shalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda ayaa lagaga hadlay sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen muwaadiniinta ku nool deegaamo aanay hore uga dhicin doorashooyinkii hore muran dhinaca xuduudaha ah dartood.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), waxaanu tilmaamay in qadiyadda lagu falan-qeeyay shirkaas aad la iskula fahmay. War-saxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:-
“Kulan Saddex geesood ah oo ay isugu yimaadeen Xukuumadda, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Xisbiyada qaranka oo lagu gorfeeyey muwaadiniin muddo  badan waayey xuquuqdoodii Distooriga ahaa ee ay wax ku dooran lahaayeen ama iyagaba  la  dooran lahaa ayaa  maanta (shalay)  ka qabsoomay xarunta qasriga Madaxtooyada. Waxaana   ka soo qayb galay  xubno  ka mida golaha Xukuumadda, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Saddexda xisbi qaran.
Kulankan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka JSL ayey ujeedadiisu ahayd sidii xal looga gaadhi lahaa goobo aanay doorasho iyo diwaan galin ka qabsoomin dooraashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka  dhacay  oo ay ku waayi jireen xuquuqdoodi dastuuriga ahayd  ee qeexaysay  in ay wax doortaan iyagana la dooran karo.
Goobaha oo kala ahaa:
Hulka, Cabdi Geedi, Ceel Sheekh , Ceel la Helay, Bil-dhaalay iyo Damasha   ayaa ahaa goobo uu khilaaf ka taagnaa dhinaca xuduudaha ah darteed ku waayey xuquuqdaas dastuuriga ahayd maadama ay ku  kulmaan  Gobolada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil.
Haddaba, kulankan oo si heer sare ah  loo soo agaasimay ayey dhinacyada kulankan kasoo xaadiray si fiican u kala sheegeen faraqa u dhaxeeya in doorasho ka dhacdo iyo in dadka goobta ku nool la diiwaangaliyo iyagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangaliyo muwaadiniinta goobahaas ku nool
Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo afmeeray in ay Wassaarada Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Dooraashooyinka qaranku wada jir ugu dhawaaqi doonaan go’aamadii kulankaas laga soo saaray kuwaas oo  noqon doona kuwo ilaaliya xuquuqda dastuuriga ah  muwaadiniinta deegamadaas ku dhaqan.
Isku soo wada duubo kulankan ayaa ahaa mid arrimaha lagu gorfeeyey hannaan qaranimo iyo dareen ummadnimo”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply