Xikmadaha Dadka Wanaagsan

0
2993

Denbiyada waxa asal u ah oo keena Kibirka waana kan Ibliis naarta geliyay, Jacaylka iyo  in Aduunyada lagu dadaalo waa kii ka soo saaray Janada Nebi Adam (cs). Xasadka isna waa kan ku kelifay in Nebi Adam wiilkiisa (Qabiil)  uu dilo walaalkii  (Habiil).
Caalamadaha liibaanta iyo nolosha wanaagsan waxa ka mid ah : Mar kasta oo adoonka ay u korodho cilmi waxa u kordha tawaaduc iyo is dhul dhiga aan kibir lahayn, mar kasta oo u kordho aduunyona waxa bata taxadarkiisa iyo cabsidiisa uu Allah (sw) ka baqanayo, mar kasta oo ay u kordho sharaf iyo derejona waxa u siyaada usii dhowaanashaha uu dadka usii dhowaanayo iyo gudida baahiyahooda.
Wanaag wuxu ugu sugnaaday qofka kaga mashquula ceebihiisa , ceebaha  dadka kale. Waxaana jabay kan ilooba ceebihiisa oo u banbaxa sheegidda ceebaha dadka kale.

Leave a Reply