Qiso: Kalsoonida Xoogan

0
503

Imaam Ibnu Siiriin ayaa maalin soo galay Masaajid. Waxa uu ku arkay masaajidkii wiil yar oo qiyaas ahaan 10 sano oo sida uu u tukanyo aad moodo sidii geed timireed. Sida uu dhamaystiray salaaddiisana wuu la yaabay. Markii uu dhameeyay ayuu u yeedhay oo ku yidhi “ Adeer Yaa ku dhalay ?” Wiilkiina wuxu ugu jawaabay waxaan ahay agoon aan Aabo iyo Hooyo midna lahayn. Imaamka ayaa ku yidhi “ raali maka tahay haddii aad aniga ila noolaato?” . Wuxu ku yidhi “ Haa, Laakiin shan shuruudood ayaa hor yaala?” . Ii sheeg shuruuda ayuu ku yidhi Imaamku . Wiilka ayaa ugu jawaabay “ Haddii aan gaajoodo, haraado, dhar u baahdo ma i siinaysaa ?” Haa ayuu ku jawaabay Imaamku. Haddana waxa uu ku yidhi haddii aan xanuunsado , caafimaad ma i siinaysa?” Wuxu ku jawaabay dhakhtar ayaan kuugu yeedhi. Haddii aan dhinto ma isoo noolanaysaa.?” Imaamkii ayaa ku yidhi maya taasi Allah ayay gaar u tahay oo haya nolosha iyo geerida ?” Wiilkii yaraana wuxu ku yidhi haddii aanad Imaam caafimaadna i siin Karin, Noloshana igu soo celin Karin iska taga . Waayo intaasiba Allah ayaa i wada siinaya oo aan talo saaraynayaa.

Leave a Reply