Guddidii Suulinta Sixir Bararka Oo Sheegay Inay Dib U Bilaabayaan Hawshii Loo Igmaday

0
307

Hargeysa(Dawan): Guddida  la dagaalanka Sixir-bararka iyo hoos u dhaca qiimaha shilinka Somaliland ee uu  dhawaan magacabay  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo),  ayaa shalay kulan ku yeeshay   xarunta  madaxtooyadda    Somaliland ee Hargaysa.Kulankan oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne   ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ujeedadiisu ahayd   in gudigu ay wax iska waydiiyaan   tallaabooyinkii   hore ay u qaadeen iyo kulamadii ay la yeesheen ganacsatada   dalka waxyaabihii   ka   fulay  iyo kuwa aan fulin iyo sababta y u fuli waayeen.Sida lagu sheegay  war-qoraal ah  oo ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland, waxaanay xubnahaasi kulankoodda ku falan-qeeyeen   sida ay lagama maar-maanka u tahay in mar kasta laga shaqeeyo sidii llacagta shillinka Somaliland ay qiimo u yeelan lahayd. Waxaanay gudigu isla qaateen in mar labaad hawsha la dagaalanka Sixir bararka iyo kor u qaadista qiimaha shilinka Somaliland la dar dar galiyo deg degna looga hawl galo, iyagoo  u balameen in kulankooda kan xiga hawsha halkaa laga sii amba-qaado.
 
 
Xubnahan uu   Madaxweynaha Siilaanyo   u magacaabay la dagaalanka Sixirbararka iyo kor u qaadista qiimaha lacagta dalka ayaa tallaabooyinkii ugu horreeyay ee ay qaadeen ku guulaystay in ay wax weyn ka qabtaan kor u qaadista qiimaha shilinka Somaliland iyo hoos u dhigga qiimaha sarifka Dollarka oo ay gaadhsiiyeen 6000 halka Dollar kaasoo hoos uga soo degay qiimihii uu ahaa laba kun oo shilinka Somaliland.
Taasoo ka dhalatay kulamo joogto ahaa oo ay la yeesheen Ganacsatada kala duwan ee dalka laakiin muddo kooban ka dib waxaa kor u kacay qiimihii Doralka oo hadda maraya 7300. Waana tau u ka dhashay kulanka ay shalay yeesheen Gudigu.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply