Kenya oo Dhiseysa Xabsi u Gaar ah Argagixisada

0
277

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shalay sheegay in Kenya ay dhiseyso Xabsi gaar ah oo lagu xidhi doono maxaabiista ururka Al-Shabaab ee Somaliya iyo kuwa kooxaha xag jirka ah ee gacan ka hadalka ka geysta Kenya.
Kenyatta waxa uu sheegay in talaabadan ay kaga hortagayaan in maxaabiista xag jirka ah ay fikradohooda ku dhex faafiyaan maxaabiista kale ee xabsiyada ku jira.
Madaxweynaha Kenya, waxa kale oo uu sheegay in xabsigan uu yahay mid ku habboon dadka lala xidhiidhiinayo xagjirnimada, islamarkaana lagu dhaqan celin karo.
Prof. Cabdi Wahaab Sheekh Cabdi Samad, oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegay in xabsigan uu la mid yahay xabsiyo ay horey u dhiseen dalalka Sacuudiga, Mareykanka iyo Denmark.
 
 
 

Leave a Reply