Caasimadda Hindiya Biyo la'aan ah

0
294

Magaalada caasimadda u ah Hindiya ee Delhi, waxa ay wajeheysaa biyo la’aan xun kaddib qalalaasaha xaq u dirirka ee ka socota gobolka ku dhagan ee Haryana.
Dibad baxayaal ka socda qomiyadda Jat waxa ay burburiyeen qalabka kanaalka Munak, oo ah isha ugu weyn ee caasimadda ay biyaha ka hesho.
Xubnaha dowladda Delhi waxa ay soo saareen amar lagu yareynayo isticmaalka biyaha, waxayna sheegeen in qeybo kamid ah magaalada ay maanta biyo la’aan noqoneyso.
Dhammaan iskuulada ayaa Isniinta la xidhayaa.
Qowmiyadda Jat waxa ay ka cadheysan yihiin, hanaanka kootada dadka laga tiro badanyay.
 

Leave a Reply