Qaraxyo ka Dhacay Suuriya oo Dilay in ka badan 100 Qof Hom

0
288

Qaraxyo ka dhacay magaalooyinka Siiriya ee  Homs  iyo  Damascus ayaa galaaftay nolosha in ka badan  100 qof.
Sida ay sheegeen  kormeerayaal magaalada Homs waxa lagu dilay ugu yaraan 57 u badan rayid markii laba gaadhi bamam loo adeegsadey.
Sida oo kale ugu yaraan afar qarax ayaa kadib haleelay xaafada ku taal duleedka  koofurta Dimishiq ee Sayyida Zeinab, kuwaas oo sababay 50 qofm sidana waxa sheegtay warbaahinta dawladda.
Kooxda isugu yeedha  dawladda islaamiga ah ayaa sheegatay in ay fulisay qaraxyada Dimishiq.
Labada magaalo ee Dimishiq iyo Homs waxaa hore u bartilmaameedsatay kooxda Daacish.
DHinaca kale xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka  John Kerry ayaa sheegay in Ruushka isla gaadheen   heshiis kumeelgaadh ah oo qeyb ka ah dagaalka.
 
 

Leave a Reply