Madaxwaynaha J. Badhtamaha Afrika oo ku Baaqay Midnimo

0
326

Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Faustin-Archange Touadera, waxa uu ballan qaaday inuu dalkaasi Mideynaayo, kaas oo sanadkii 2013kii uu ka bilowday dagaal u dhexeeyay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta.
Dad aad u badan ayaa ku dhintay rabshadii dhex maray dad iska soo horjeeday oo labada dhinac kala taageersanaa.
Hadalkiisii ugu horeeyay tan iyo markuu doorashada ku guuleystay, Mr Touadera waxa uu sheegay in dhammaan diimaha kala duwan ay gacan ka geysan karaa wax uu ku tilmaamay shaqa abuuris loo sameynayo dhallinyarada.
Mr Touadera, oo horey u ahaan jiray ra’iisul wasaare, ahna barofeser xisaabta ku takhasusay, waxa uu olole ka dhigtay sida qof nabad dhaliye ah oo ka gudbi kara khadka kala qeybsanaanta diimaha.

Leave a Reply