Jarmalka oo Qaxooti ku Celiyay Afgaanistaan

0
269

Masuuliyiinta Afghanistan ayaa sheegay in boqol iyo labaatan iyo shan qof ay ku soo noqdeen Kabul, kadib markii dowladda Jarmalka ay u diiday inay siiso sharci qaxooti.
Masuuliyiinta Afghanistan ayaa sheegay in dadka ay iskood ugu soo noqdeen waddankooda. Horaantii, Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka, Thomas de Maiziere ayaa sheegay soo noqoshada dadka inay muhiim u tahay dib u dhiska waddanka.
Dowladda Jarmalka ayaa rajaynaysa dadka la celiyay inay tusaalo u noqoto dadka reer Afghanistan inaysan imaan Jarmalka.
Dadka Afghanistaanka ayaa ahaa dadka labaad ee ugu badan ee halka milyan oo qof ee Jarmalka magangalyo waydiistay 2015-kii.
 

Leave a Reply