Maayarka Hargeysa Oo Digniin Adag u Diray Ganacsatada Ku Soo Xadgudbay Jidadka

0
277

Hargeysa (Dawan):- Maayarka Caasimadda Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa shalay digniin adag u diray ganacsatada yar yar ee ku soo xadgubay jidadka magaalada, waxaanu isla shalay dhagax dhigay waddo cusub oo laga dhisayo koonfurta magaaladda.
Maayarka Caasimaddu, waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad loo qabtay shaacinta dhagax dhiga jidkan  cusub oo mari doonta xaafadda Jameecadda ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qeyb galay maayar ku xigeenka caasimadda, xildhibaanadda golaha deegaanka iyo guddida xaafaddaasi.
Odayaasha iyo waxgaradka xaafadda Jameecadda ayaa maayarka iyo dawladda hoose ee Hargeysa uga mahad-naqay dhagax dhigga wadadan oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabeen, isla markaana ay dadweynaha xaafadu qeyb libaax ka qaadan doonaan.
Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago-weyne ayaa munaasibadasi ugu horrayn hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay madaxdii dawlada hoose ee Hargeysa, annagoo isku duuban shan iyo labaatanka xildhibaan-ba waxaanu u dhaaranay in Hargeysa aanu wax u qabano, dad waxa jira meelahaasi ka had hadla, kuwaasi waa dilaaliin oo waxba ka odhan mayno laakiin wixii aanu Hargeysa u qabanay iyo wixii aynu xaafaddan aynu joogno aanu waddo ka dhisnay dadka ayaa sheegi doona ee annagu waxba sheegi mayno.”
Maayarka caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay inay jiraan dad dacaayaddo ka fidiya dawladda hoose, balse waxay magaaladda u qabteen ay dadweynuhu markhaati ka yihiin waxaanu yidhi “waxa jira dad meelahaasi ka hadla oo dacaayaddo ka fidiya, kuwaas uma jawaabno, laakiin waxaanu diyaar u nahay dood aanu dadweynaha la galno wixii aanu saddexdii sanno ee aanu caasimadda maamulaynay aanu u qabanay”
Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda oo ay ku wehelinayaan maayar ku xigeenka iyo xildhibaanadda golaha deegaanku waxay shir jaraa’idku qabteen wadadda Total ee magaaladda Hargeysa, waxaanay sheegeen in ololaha dambe ee waddo banayntu ka bilaabmi doonto xaafadda Total, waxaanay ugu baaqeen inay dadweynaha wadooyinka hareerahoodda degan ka guuraan.
“Waxa jirta olole balaadhan oo jidad banayn ah oo aanu ku jirno, waxay doorkan ka bilaabmaysaa jidka Totol waxaana leeyahay dadweynaha jiingadaha iyo guryaha hortoodda ka samaystay meheradaha waxaan leeyahay ka guura inta aanay hawl-galka dawladda hoose idin iman, waxaan doonaynaa inay caasimaddu noqoto mid bilic leh, wadaddan waa meeshaa aanu doonayno inaanu waddooyin casri ah ka bilaabmo, isla markaana qalabka cusub ku bilaabi doonno, sidaa darteed, dadweynahan wadooyinka dhex degan waxaan leeyahay ka sii guura inta aanu ololuhu bilaabmin,” ayuu yidhi Maayar Cabdiraxmaan  Soltelko.
Dhinaca kale, Maayarka oo hogaaminaya shaqaalaha iyo masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa ayaa olole nadaafadeed ku sameeyey xaafadda Jigjiga Yar ee degmadda Koodbuur, waxaanu maayarku nidaamiyey meheradihii wadooyinka ku ag yaallay, isagoo xad u sameeyey aanay soo dhaafi Karin, isla markaana dhulkii kala dheeraana iskugu toosiyey.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply