Xiisadii Sacuudiga iyo Iiraan oo sii Socota

0
330

Sacuudi Carabiya, Baxrain iyo Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa u sheegay dadkooda in aanay  u safrin  Labnaan.
Wasiirada arrrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo Baxrain ayaa ugu baaqay dadkooda inay ka soo baxaan waddanka ammaan dartii.
Laakiin UAE ayaa wada mamnuucday in loo safro Labnaan, waxayna sheegtay inay diblomaasiyiinteeda ay ka soo bixinayso Beirut.
Toddobaadkii hore, Sacuudi Carabiya ayaa hakisay £2bn oo gargaar milatari kadib markii dowladda Labnaan ay cambaarayn wayday weerarkii safaarada Sacuudiga ee Iran.
Xisbullah ayaa sheegtay Sacuudiga inuu joojiyay gargaarka, sababtoo ah cadaadis dhaqaale oo haysta oo kaga yimid shidaalka raqiiska noqday, dagaalka ay kula jirto Yemen ee ay la dagaalamayso Shiicada Xuutiga.
Siyaasiga reer Labnaan Saad al Hariri, ayaa ku dhiiri galiyay boqorka Sacuudiga ee Salman inuusan dayicin Labnaan oo uu wado taageerada uu siiyo.

Leave a Reply