“Markii Aanu Godadka Qodnay Ayaa Nalagu Aasayay”

0
314

Mid ka mid ah maxaabiistii Ruushka ee dagaalkii labaad ayaa ku qoray xusuus qor uu lahaa weedhahan: “ Markii ciidamadii Jarmalka ee Hitler na qabteen sanadkii 1941, waxay nagu khasbeen in aanu godad dhulka ka qodno. Markii aanu dhamaynay ayay soo kexeeyeen koox Yuhuud ah markaasi ayay godadkii ku dhaadhiciyeen. Ka dibna anaga ayay nagu amreen in aanu ku aasno iyagoo  nool. Arinkaasi foosha xun waanu diidnay. Taliyihii ayaa Yuhuuddii ku  amray inay ka soo baxaan godka, wayna ka soo bexeen ka dibna anaga ayuu nagu amray in aanu ku daadano.  Markaasi ayuu Taliyihii Yuhuudii ku amray inay nagu aasaan. Si dhakhso ah ayay u bilaabeen markiiba.. Ilaa ay ciidu dhegahayaga buuxisay markaasi oo taliyuhu naga joojiyay. Wuxu na faray in aanu ka soo baxno. Ka dibna khudbad ayuu noo jeediyay isagoo kor u dhawaaqaya ayuu yidhi “ Waxaan doonayay in aan idin baro Yuhuudda iyo dhaqankeed”

Leave a Reply