Tartanka Musharixiinta Doorashada Maraykanka ka dhacaysa

0
375

Murashaxiinta doonaya in ay madaxwaynenimada Maraykanka u tartamaan bisha November iyaga oo xisbigooda matalaya ayaa wajahaya imtixaankii ugu waynaa ilaa iyo hadda kaddib marka ay dhacdo doorashooyinka hordhaca ah ee loo yaqaano salaasada wayn.
Labo iyo toban gobol ayaa cododka laga dhiiban doonaa waxaana loo codaynayaa murashaxiinta labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Repuplicanka.
Tartanku waxaa uu ku dhereranyahay Massachusetts oo dhanka waqooyi ku taala ilaa Alaska oo waqooyi galbeed ah.
Codadka qaybihii hore laga dhiibtay afar gobol ayaa muujinaya in Donald Trump uu hogaaminayo Republican-ka halka Hillary Clinton ay ka hogaaminayso xisbiga Dimuqraadiga.
Senetar Ted Cruz ayaysan u cuntami Karin in Trump uu kaga guulaysto gobolka Texas maadaama ay tahay halka uu ka soo jeedo, Trump ayaa ka soo jeeda Massachusetts.
Clinton ayaa rajaynaysa in ay maalmaha fasaxa ah sabtida iyo axada ay guul ka soo hoyso Koonfurta Carolina halkaas oo ay si wayn ugu codeeyeen dadka Madaw ee Maraykanka ah si ay uga soo kabato guul daradii ay kala kulantay New Hampshire oo ay guushu ka raacday Bernie Sanders oo ay tartan iskula jiraan.
Sideedda bisha November dadka Maraykanka ah waxay dooran doonaan qofkii badali lahaa madaxwayne Brack Obama.
Madaxwaynahaas oo xisbiga dimuqraadiga ka socday ayaa xilka banaynaya kaddib markii uu dhamaystay labadii xili ee loo ogolaa in uu madaxwayne ahaado.
Wuxuuse xilka ka tagayaa iyada oo ay Republican-ku ka taliyaan labada aqal ee looga taliyo dalkaasi.
 

Leave a Reply