Dawladda Somaliland Oo Taliyihii Qeybta Booliska Saaxil Shalay Ku Sagootiday Aas Qaran Oo Loogu Sameeyay Berbera

0
398

Hargeysa (Dawan):-Waxa shalay magaaladda Berbera si heer qaran ah loogu aasay taliyihii  ciidanka booliska gobolka Saaxil gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo Salaasadii la soo dhaafay  koox dablay ahi ku dishay degaanka Biyooley oo 30km bari ka xigta magaaladda Berbera.
 
Aaska marxuun  gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) waxa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabaraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), masuuliyiin ka kala socotay goleyaasha qaranka, madax-dhaqameed iyo dadwayne aad u tiro badan.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo hadal kooban ka jeediyay xabaasha dusheeda ayaa waxa uu sheegay in arrintani qaranka ku haysay culays badan, balse lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo dablaydii falkan fulisay, isagoo arrintaa ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Arrintani waxay ahayd tiiraanyo nagu taagnayd muddo saddex maalmood ah, nin qaranka dirays u sita oo gacan ka xaq-darani dishay. Arrintaasi waxay ahayd mid aad u fool xun oo aynu dhaafnay 25 sanno ka hor, cid kastoo dib u jaleecdaana way garanaysaa xannuunkeeda. waxaanu ku faraxsan nahay in gacanta lagu dhigay kooxdii dablayda ahayd ee falkaas foosha xun fulisay.”
Madaxwayne ku-xigeenku waxa uu tacsi gaadhsiiyay qoyskii, eheladii iyo guud ahaan qarankas Somaliland ee uu ka baxay marxuumka geeriyooday, waxaanuu yidhi “Waxaanu halkan u joognaa aas qaran oo loo sameeyay taliyhii booliska ee gobolka Saaxil gaashaanle Cabadiraaq Yuusuf Maxamuud Casayr. Marxuumku qaranka oo dhan ayuu ka baxay, guud ahaan qaranka Somaliland gaar ahaana qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay ayaanu tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinaynaa.”
“Marxuunku waxa uu ka tirsanaa ciidankeenna qaaliga ah ee booliska, kuwaas oo mar kasta u heegan ah nabad-galyada dalkeenna. Marxuumka Alle ha u naxariisto, dhammaanteena samir iyo iimaan ha innaga siiyo.” Ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland,
 
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ka qeyb galay aaskaas ayaa waxa uu yidhi “Marxuumku qaranka oo dhan ayuu ka geeriyooday, Alle ha u naxariisto dhammaanteena samir iyo iimaan ha inaga siiyo.”
Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland sarreeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa isagoo tacsi u diraya qoyskii iyo guud ahaan ciidanka booliska oo uu marxuumku ka tirsanaa waxa uu yidhi“Waxaan leeyahay marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayar) wuxuu ahaa nin qaran, waana taa maanta arrintiisa qaranku xooga u saaray. Waxaan leeyahay qoyskii, qaraabadii, ciidanka booliska iyo dhammaanteenba samir iyo iimaan ha inaga siiyo.”
Maayarka degmada Beber Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin ayaa isaguna tacsi u diraya qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, waxa uu yidhi “Alle ha u naxariisto gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr). Marxuunka waxaanu ugu ducaynaynaa in uu janooyinkiisa ka waraabiyo.”
Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Qof waliba wuu dhimanayaa, qaabka aynu u dhimanayno ayuun baynu ku kala duwanahay. Markaa waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa qoyskii iyo guud ahaan qaranka Somaliland ee uu ka baxay gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr).”
 
 
Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena ka sheekeyey taariikhdii Taliyahaasi la dilay waxaanu yidhi “ Cabdirisaaq Sooyaalkiisa taariikheed iyo Aqoonta shaqsi ee aan anigu u leeyahay wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo ka soo qayb galay halgankii dalkan lagu xoreeyey isagoo wakhtigaa aad u yar, markii Ciidanka booliska Somaliland la aas-aasay bilowgii dhalinyartii ku biirtay ayuu ahaa, wuxuu ka soo bilaabay Taliye Saldhig, waxuu lahaa ruux Hogaamineed, isagoo dhalinyaradii la Qarameeyey ah ayaa ka arkay Hogaamintiisa kolkaas ayaa taliye Saldhig laga dhigay. Ka dib waxa uu noqday ku xigeen Taliye qaybeed, Taliyaha hawl galinta ee Gobolka Sanaag ayuu noqday, markii dambena wuxuu noqday Taliyaha Gobolka Sanaag. Gobolka Maroodijeex ayuu qaybta bari Taliye ka noqday imikana wuxuu geeriyooday isagoo shaqadii qaranka ee Gobolka Saaxil gacanta ku haya. “
Mudane Xaashi ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Qiimaha ay Saraakiisha ciidanku bulshada ku dhex leeyihiin waxaanu yidhi “ Ragga Ciidamada amaanka ka shaqeeyaa maaha calooshood u shaqaystayaal,  maaha rag mushahar yar dhaafsaday xilka ay hayaan iyo darajada oo kaliya, laakiin waa dad ILAHAY agtiisa mushqaayad wanaagsna ku leh. waxay ka shaqeeyaan Nabada iyo kala dambaynta, qofna Cawo barri kuma seexdeen hadii aanay kuwaasi amaanka gacanta ku hayn, Marxuunkaas khayr iyo wanaag ayeynu u rajnaynaa, Khaatumo iyo Naxariis ayeynu u rajynaynayaa. Islaax ayuu u socday, waxa logu yaqaanay Dulqaad, wuxuu ahaa nin dagan oo aan fududeyn, wuxuu ka soo jeeday qoys madax dhaqameed ah, Aaabihii ayaa ka mid ahaa Cuqaasha waaweyn ee Gobolka Sanaag, nin Taliya kaliya ah muu ahayn ee dadka wuu ka dhex odayeyn jiray.”
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ayaa sidoo kalena bogaadiyey ciidmada Somaliland ee soo qabtay dadkii dilay sarkaalkaasi waxaanu yidhi “ Waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Hawl galka fuliyey ee baadi doonay dadkii falkaa fuliyey. Shilalka iyo Dilalkuba dunida way ka dhacaan, meel aan Dunida dil ka dhicini ma jiro Wadamada ugu xooga waaweyn ayaa Madaxdooda la laayaa oo Wasiiro iyo Madaxweyneyaal ayaa la dilaa, maaha wax qarankan Ceeb iyo gaf ku ah oo la xoqo maxaa Taliyeyaasha iyo madaxda loo dilayaa Laakiin waxa ay tahay in Xukuumaddu dadka dambiyadaasi gaystay sharciga la horgeeyo,  Muwaadiniinta qarankan hadhkiisa ku wada nool, amaankooda Xukuumadda ayaa ka masuul ah, waajibka Xukuumadda iyo xil gudashadeed lagu qiimeeyaa waxa weeye maxaa talaabo laga qaaday falalka dhacaya,? mala qabtay cidii gaysatay,? Maxkamadda mala taagay oo Cadaaladda ma loo bandhigay?, Taasaa lagu qiimeeyaaa.”
Wasiir Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray “ Ciidmada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxay fuliyeen hawl gal guulaystay, waxaanay muujiyeen Geesinimo, waxay hawl gal balaadhan ku qaaadeen ragii sharciga baal maray ee shuftada ahaa, Gobolkana dhacdooyin badan la fuliyey, dalkan Jabhado kama jiri karaan, Qoryana laguma qaadan karro Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland amaanka iyadaa ka masuul ah. Gobolka Awdal waynu ogayn dhacdooyinkii ka dhacay ee Amni darrada ahaa, Sool waynu ognahay, waxaas oo dhan waxay Ciimaddu habeen iyo maalin u heegan yihiin inay Amniga Qarankan sugaan muwaadiniintiisuna ay Nabad ku noolaadaan, qofna aanu ka werwerin Nabadiisa iyo Noloshiida, waan ku bogaadinayaa arrintaa.”
Wasiirka Madaxtooyada ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan aanay cidnaba ka aqbalaynin in ay khalkhal galiso amaanka Dalka waxaanu yidhi “ Waxaanu Xukuumad ahaan halkan ka cadaynaynaa in aanay suuro galaynin in Qarankan ciddi ay khalkhal galiso Amnigiisa. Qarankani waa Qaran Gaamuray oo mudo soo dhismayey, oo qori  isu dhiib ku yimid oo Nabadiisa Tacab, Dhiig, Dheecaan iyo dhaqaale badaniba ay ku baxeen, maaha wax shaqsiyaad, koox iyo shufto ay khalkhal galin karaan.”
“ Dadkaa la qabtay waxa la hor gayn doonaa Cadaaladda, waxaany heli doonaan Cadaaladd sugan. Soo qabashadoodu guul ayey u tahay dhamaan Ciimada Qaranka Somaliland. Marxuun Cabdirisaaq kama dhiman Qoys gaara laakiin Qaranka ayuu ka dhintay, Umadda ayuu xil u hayey waxaas oo masuuliyiin iyo Ciidamo ahi hadaanuu masuul qaran ahayn may yimaadeen halkan, Aas Qaran looma qabteen, Qoyskiisiina Samir ayaa huran Qarankana Samir ayaa huran.”
Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kalena sheegay ina Shilalka noocan oo kale ah aanay ahayn in dadka Somaliland ay isku colaystaan “ Arrintani maaha mid laysku colaysto oo la yidhaa Reer Hebel  ayaa dilay. Cabdirisaaq Reer ma dilin, Qoysna lagama dilin Qarankaa laga Dilay, waxa dishay koox budhcad ah oo dambi Qarankan ka gashay Maxkamadd ayaana la keenayaa, Shacabka Somaliland  waxa la gudboon Midnimo iyo wadajir, arrimana oo kale markay dhacan maaha in la qodqodo  aadbaan uga xumahay sida dadka qaarkii ay arrintan ugu hadleen gaar ahaan dadka Facebook-ga isticimaala.”
“Marxuum gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) intii uu ka shaqaynaayay gobolka Saaxil waxa uu ahaa nin aad u shaqo fiican, akhlaaqdiisuna ay wanaagsan tahay. Alle ha u naxariisto guud ahaan Somaliland-na samir iyo iimaan ha ka siiyo.” Ayuu yidhi maareeyaha Maareeyaha dekeda Berbera Caki Cumar Maxamed (Xoor-xoor).
Suldaanka guud ee beelaha Somaliland suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa waxa uu sheegay in marxuunku ahaa shaqsi aad u wanaagsan, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Anigu gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) Alle ha u naxariistee waxaan u lahaa aqoon badan, waxaanuu ahaa nin shaqadiisa ka adag. Waxaan tacsi gaadhsiinayaa qoyskii iyo dhamaan qaranka Somaliland oo uu ka baxay.”
Marxuum gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo dhawaan koox dablay ahi ku dileen degaanaka Biyooley oo ka tirsan gobolka Saaxil ayaa guud ahaan shacabka Somaliland si wayn uga xumaadeen, waxaanay shacabku soo dhaweeyeen talaabadii xukumadu qaaday oo hawl gal balaadhan oo ay qaadeen ciidamada kala duwani lagu soo qabtay 8 nin oo ka mida kooxdaa, iyadoo 3 kalena lagu daba jiro.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply