Wadnaha Iyo Shaqooyinkiisa Muhiimka Ah

0
429

Waxa la wada og yahay in wadnuhu yahay xubin muhiim ah oo ka mid ah jidhka aadamiga. Waana xubinta jidhka siisa dhiigga Ogsijiinta leh, kaasi oo suurtageliya inuu qofku noolaado. Laakiin waxa jira xaqiiqooyin badan oo aynaan war u hayn oo ku lamaan wadnaha aadamiga. Qalbiga ayaa maalin kasta abuura tamar ku filan in lagu dhaqaajin karo gaadhi xamuul saaran yahay masaafad dhan 31 Km.
Wadnuhu waa halka muruqyada ugu muhiimsan ee jidhku hawsha ka wadaan, waxaana uu gaadha dhiigga maraa mid buuxin kara 1.5 malyuun oo foosto inta qofku ku jira wareegga nolosha.
Unugyada ugu horeeya ee wadnuhu waxay shaqada bilaabaan toddobaadka afraad  ee ilmaha uurka ku jira, sidaasi ayuu shaqada u wadaa ilaa maalinta uu qofku nolosha ka baxo, mana jirto ilbidhiqsi  keliya oo uu shaqadiisu joogto.
Mar kasta oo aadamigu helo warbixin uu wax kaga ogaanayo wadnaha iyo qaabka uu u sheqeeyo waxa yaraanaysa halista xanuunada wadnaha oo ah kuwa ugu halista badan.
Nolosha degan ee aan werwerka lahayn kuna xidhan Allah (sw) ayaa ah tan ugu wanaagsan ee suurtagelisa in qofku ka nabad galo xanuunada wadnaha dhaawaca gaadhsiiya. Jimcisiga iyo cuntooyinka dheelitiran ayaa iyana waxtar u leh wadnaha.
Waxa kale oo la ogaaday in wadnuhu uu leeyahay electromagnetic u gaar ah oo uu isagu ku sheqeeyo , waxaana la sheegay inuu shaqada sii wato xataa iyadoo qofka jidhkiisa lagaba saaray.
Dhakhtar qaliinka aqoon sare u lahaa oo lagu magacaabo Werner Sman oo u dhashay dalka Jarmalka ayaa isagu tijaabo ku sameeyay naftiisa sanadkii 1929, isagoo isku muday irbad suuxdin ah isagoo isticmaalayay xidada gacantiisa , taasi ayaan muujisay in wadnaha ama qalbiga iyo xididu ay toos isugu xidhan yihiin.
Christian Pardnard ayaa ahaa dhakhtarkii ugu horeeyay ee sameeyay isku bedelka wadnaha kaasi oo uu ku fuliyay Lewis Achansk bishii December  3 , sanadkii 1967. Inkasta oo uu bukaanku dhintay 18 maalmood oo keliya markii uu noolaa, haddana waxay noqotay camaliyadii wadne qof  kale lagu rakibo ee lagu guulaystay uguna horaysay  dunida.
Daraasadda wadnaha laga sameeyay ayaa cadaysay haddii qofka ay soo marto arrin murugo leh oo aanu la iman sabir inay taasi dhaawac weyn u geysato wadnaha maxaa yeelay wadnuhu wuxu soo daaya hormoonada walbahaarka kuwaasi oo raaca xidida dhiiga isla markaana dhaawac gaadhsiiya wadanaha marka ay gaadhaan.

Leave a Reply