WEEDHA WARGEYSKA: 72 Saacadood Ayay Ku Soo Celiyeen Rejadii Dawladnimadda Somaliland Ee La Soo Hujuumay!

0
385

“Haddaan Saanad Guuxdiyo
Aaladaha Gurguurtiyo
Gumuc iyo Rasaas iyo
Gantaallaha Ridada Dheer
Galab la isku weerarin
Oon Geesi Hiilliyo
Hanad Guushu Raacdiyo
Halyay aad ku Gama’daa
Sidii Aar Ku Gaylamin
Ama Cudud u Gaar ahi
Gaadh iyo u Noqon Dayr
Gooni Aan Isku Taagniyo
Gobonimo Ma Jiraysee
Geesiyadda Dalkaygoow
Guulaysta Waligiin” Hees Abwaan Kayd Maxamuud Xasan

Ciidanka Booliska  Jamhuuriyadda Somaliland waxay  xaqiijiyeen in Qaranimadda Somaliland ay tahay mid ku taagan cago adag, waxaanay  caddeeyeen  inaanay  nabad-gelyadda dalka  handadi karin shakhsiyaad dambiileyaal ah. Ciidanka booliska oo kaashanaya ciidamadda qaranka iyo kuwa sida gaarka ah loo carbiyay, waxay habeen hore gacanta ku soo dhigeen sideed ka mid koox dabley ah oo Salaasadii toddobaadkii hore jidgooyo ku dishay ALLE ha u naxariistee Taliyihii qeybta Booliska Saaxil Gaashaanle Marxuum-Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud, oo hawlo nabadeed  ku marayay deegaanka Biyooley oo 30km dhinaca bari kaga beegan magaalo xeebeeda Berbera.
Hawlgalkii lagu soo qabtay nimankan ku eedeysan inay khaarajiyeen  Taliyihii qeybta Booliska Saaxil, waxa ciidanka Booliska oo uu hormuud u ahaa Taliyaha ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxay ku soo afjareen muddo  72 saacadood ah oo ay  adkaysi u yeesheen hanfiga iyo qabowga ka dhacaya buuraleydii ay ka raacdeynayeen kooxdan shuftada ah.
Ciidankii hawl-galkan fuliyay waxa laga hagayay magaaladda Berbera oo ay ku sugnaayeen Wefti Xukuumadda ka tirsan oo uu Hoggaaminayay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno Wasiirro ah oo uu ka mid ahaa Wasiirka daakhiliga Cali Maxamed Waran-cadde.
Hawl-galkani waxa uu dibada u soo saaray heerka ay taagan tahay kartida iyo awooda ciidanka Booliska iyo kuwa kale ee qalabka sida. Waxa kale oo  tallaabadani ay bulshadda u xoogeysay  kalsoonida ay ku qabaan ciidammadda qaranka oo ah qaar hanan kara difaaca dalka isla markaana cududooda adag cashar ugu dhigi kara dambiileyaasha gudaha dalka jariimadaha qaran-dumisnimada ah ka sameeya.
Sidaas darteed, waxa dadweynuhu  ku baaqayeen in la abaal mariyo xubnihii ciidammaddii booliska iyo qaranka ee hawl-galkan lagu guulaystay ka fuliyay gobolka Saaxil, si kor loogu qaado niyadooda, loona muujiyo inay yihiin soo ma jeesteyaal qaran oo taariikhda dalka baal dahab ah  lagaga  sunti doono.
Waxa dilka ALLE ha u naxariistee  Taliyaha qeybta Booliska Saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud  uu ahaa weerar lagu soo qaaday qaranimadda Somaliland oo mudan in si xeel dheer looga gun gaadho baadhista ciddii soo nashqadeysay, kuwii fududeeyay iyo cid kasta oo si uun uga qeyb gashay dilkaas  foosha xun oo la doonayay in lagu mijo xaabiyo dawladnimadda Jamhuuriyadda Somaliland oo fidmo la kala dhex dhigo beelaha walaalaha ah ee reer Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu meel adag ka taagan yahay in ciidammadda qalabka sida ee dhiigooda u hibeeyay difaaca iyo nabad-gelyadda Somaliland in la waxyeeleeyo. Waxaanu madaxweynuhu  qaatay in ciqaabta ugu culus  ay mutaan cid kasta oo Somaliland ka geysata dhagar noocan oo kale ah.
Ugu dambeyn. Waxaan  ku soo gabobeynayaa inaan mar labaad bogaadiyo ciidammada ammaanka Somaliland, saraakiishooda, saraal ku-xigeenada iyo xubnahoodaba.
cumarmfaarax@hotmail.com
dawaneditor@gmail.com
 

Leave a Reply