Xukuumadda Oo Caawimo Gaadhsiisay Allay-baday iyo Degaamadda Hoos Yimaadda

0
330

Allaybaday (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa caawimo isugu jirta biyo iyo cuntooyin waxay gaadhsiisay  bulshadda ku dhaqan degmadda Alaybaday iyo tuulooyinka hoos yimaadda, caawimadaasi oo ka timid  hay’adda Khaliifa Saa’id binu Nahyaan oo laga leeyahay dalka isu-taga imaaraadka carabta.
 
Sidoo kale waxaa masuuliyiintii ka socday xukuumadda ay qalab dayac-tir ah gaadhsiiyeen ceel biyoodka Dameerro-boob oo ku yaalla inta u dhaxaysa Alaybaday  iyo Tog-wajaale, ceelkaasi oo in muddo ahba aan shaqaynin una fadhiistay   qaybo ka mid ah qalabka uu ku shaqeeyo oo ka xumaaday.
 
 
Munaasiabdii qoysaska  caawimadaasi loogu  qaybinayay waxaa goob  joog ka ahaa wasiirrada wasaaradaha Beeraha, Maaliyadda, Warfaafinta, Diinta iyo Awqaafta iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka isu-taga imaaraadka carabta, masuuliyiinta gobolka iyo degmadda  Gabiley iyo Alayabaday.
 
Danjiraha Somaliland u fadhiya isu-taga imaaraadka carabta Baashe Cawil, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dawladda imaaraadka carabtu ay mashaariic kala duwan oo dhinacyo badan leh ay ka wado dalka, isla markaana ay si weyn gacan uga geysatay  caawinta dadka  reer Somaliland ee ay abaaruhu  haleeleen.
 
 
“Hay’adani Khaliifa Binu Saa’id Al- Nahyaan dalka kuma cusba, waxyaabo badan ayaanay ka qabatay, waxyaabo badan oo kalena way soo wadaa, mashaariic kale oo ilaa 7 mashruuc ah oo dawladda imaaraadku dalka ka wadaana way jiraan” ayuu yidhi danjire Baashe Cawil.
 
Wasiirka warfaafinta Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani), oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay dawladda isu-taga imaaraadka carabta iyo hay’adda Khaliifa foundation ee caawimadaasi soo gaadhsiiyay. “Waxaan u mahad naqayaa dawladda imaaraadka carabta iyo hay’ada Khaliifa foundation masuuliyiinteedda. Imaaraadka carabtu waxaad moodaa in ay aad iyo aad inoogu furantay intii  danjire Baashe Cawil uu safiirka ka noqday,  aad ayaanan kaaga mahad naqayaa mudane safiir hawshaasi fiican ee aad qaranka u qabatay” ayuu yidhi wasiir Cadaani.
 
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo iyadna halkaasi ka hadashay ayaa  u mahad naqday dawladda imaaraadka carabta iyo sidoo kale safiirka Somaliland u fadhiya dalkaasi.
 
Wasiir Samsam oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa safiirka Somaliladn u fadhiya dalka isu-taga imaaraadka carabta Baashe cawil,  oo intii ay abaarahani dhaceen iyo intii ka horaysayba si weyn inoogu soo jeediyay  indhaha dawladda imaaraadka, oo mashaariic badan dalkeenna ka wada.
 
Waxa kale oo aan u mahad naqayaa guddomiyaha Gabiley iyo gudoomiyaha Alaybaday, iyo wasiirrada halkan jooga iyo hay’adda Khaliifa ee caawimadan soo bixisay, iyadoo tani ay tahay kadib markii ay dawladda la tashadeen meelaha lagama maarmaanka noqotay, maadaama oo ay dalkoo dhan ka abaarro ka jiraan. ceelka Dameerro-boob oo kale marka lagu hagaajiyo qalabkan imika loo keenay waxa uu inaga furanayaa in aan booyado danbe oo biyo la keenin balse isaga booyado badan laga dhaamiyo, waanna ceel biyo badan leh.”
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh khaliil C/laahi Axmed, oo isna hay’ada Khaliifa iyo dawladda imaaraadka carabtaba uga  mahad naqay kaalmadani kala duwan ee ay soo gaadhsiiyeen degaanka Alaybaday.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay badhasaabka iyo maayarka Gabiley iyo sidoo kale gudoomiyaha degamadda Alaybaday, waxaanay dhamaantoodba u mahad naqeen dawladda imaaraadka carabta iyo hay’adda Khaliifa foundation ee  kaalmadani soo gaadhsiiyay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply