Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID Oo Dacwado Iska Gudbiyay, Iskuna Eedeeyay Hanjabaado Dil Ah

0
406

Hargeysa(DAWAN):- Labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID,ayaa isku muruxsaday isla markaana isku eedeeyay in labada Guddoomiye xisbi mucaarid   Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)  iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, in mid kastaaba ku hanjabay dil toogasho ah in uu cid ku fulinayo.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI, Axmed Muumin Seed,ayaa guddiga Doorashooyinka qaranka u gudbiyay shalay  dacwad ka dhan ah Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo uu ku eedeeyay in uu Salaasadii toddobaadkan  shir ay asxaabta qaranka iyo guddiga Doorashooyinku isugu tageen xarunta Komishanka in uu ku hanjabay in uu tooganayo Guddoomiye Cirro taasoo uu sheegay in ay goob joog ka ahaayeen shan ka mid ah xubnaha Gudiga Doorashooyinka iyo wakiiladda saddexda xisbi qaran isla markaanay ay doonayaan in sharciga loo hor keeno Guddoomiye Faysal oo ay ku eedeeyeen in uu dil toos ah ugu hanjabay Guddoomiye Cirro.
Hase yeeshee  isla markii uu qoraalka dacwadda ka dhanka ah Eng Faysal Cali Waraabe loo gudbiyay Guddiga Doorashooyinka,ayuu isna jawaab ka bixiyay oo uu isna ku eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro in uu dil toogasho ah ugu hanjabay Wasiir ka tirsan Xukuumadda markii la bilaabayay diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha gobolka Awdal.
Dacwada WADDANI Ee ka Dhanka Ah Faysal Cali Waraabe
Qoraalka dacwadda ah ee xisbiga WADDANI u gudbiyeen Komishanka doorashooyinka isla markaana ogaysiin lagu siiyay Wasiirka Daakhiliga, waxay u qornayd sidan:-
 
 
“Annaga oo ah madaxda Xisbiga WADDANI waxanu halkan si sharaf iyo karaamo leh ugu soo gudbineynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland dacwad hanjabaad dil-toogasho ah oo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe 08/03/2016 shir ka socday xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka dhexdiisa isagoo ugu hanjabay inuu xabbad ku dhufanayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane: Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro).
Shirkaas uu Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe ka sameeyay hanjabaaddaas dilka-toogasho ah waxa goobjoog ka ahaa shan xubnood oo ka tirsan Komishanka Doorashoyinka Qaranka iyo toddoba xubnood oo wakiilada saddexda xisbi qaran u jooga Komishanka.
Hanjabaadda Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe waxay si toos ah xadgudub ugu tahay ammaanka iyo xoriyadda shakhsiyeed ee Guddoomiyaha Golaha Wakillada Somaliland isla markaasna ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, sidoo kale waxay khatar ku tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha guud ee qaranka iyo geedi-socodka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Somaliland.
Falkan uu ku kacay Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu lid ku yahay qoddobada dastuurka ah ee ay ka midka yihiin qodobka 24aad iyo 25aad oo sheegaya xuquuqda qofka muwaadinka ah iyo dhawrsoonaanta sharaftiisa, magaciisa iyo xuquuqdiisa qof ahaaneed, waxa kale oo uu lid ku yahay xeerarka dalka ee dammaanad qaaday ammaanka muwaadinka iyo Xasaanadda masuuliyiinta qaranka iyo ammaanka guud ee Somaliland.
Haddaba Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo dhacdadan hanjabaadda dilka-toogasho ahi ay ka dhacday xaruntooda isla markaasna goobjoog ahaa, waxa xil ka saaran yahay inay tallaabada ku habboon ka qaadaan, sidoo kalena hay’adaha kale ee qaranka ee ay khusayso arrintani inay iyaguna tallaabada ku habboon ka qaadaan waajibkoodana ka gutaan dhacdadan.
Ugu dambayn Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxuu u hoggaansan yahay dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcama isla markaasna wuxuu dhawrayaa anshaxa tartanka doorashooyinka, wuxuuna tixgalin baaxad leh u hayaa go’aanada Komishanka Doorashooyinka Qaranka ka soo baxa.”:
Difaaca Guddoomiyaha Xisbiga UCID
Dhinaca kale Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo isla shalayba ka jawaabay dacwadda lidka ku ah ee Xisbiga WADDANI ka gudbiyay ayaa ku tilmaamay mid lagu dambabasayo wax uu ku tilmaamay hanjabaadii Guddoomiyaha WADDANI ee uu sheegay in uu toogasho ugu hanjabay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil. Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu sheegay in hadalka uu ka yidhi kulan ay lahaayeen saddexda Xisbi Qaran iyo Guddiga Doorashooyinku hadalkiisana la  duway oo la leexiyay.
Guddoomiyaha UCID waxa uu  intaa ku daray  eedaymo uu u soo jeediyay Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiye Cirro oo uu sheegay   in uu ku kacay falal tiro badan oo lid ku ah qaranimada Somaliland.
“Horta waa nasiib darro xisbiga WADDANI oo aynu maanta ognahay in uu dalka qasay  oo khatar geliyay diiwaan gelintii oo reero u bedelay,sharci darro uu ku fadhiyo guddoomiyahoodii, Guddoomiyihii xisbiga mucaaridka ah isla markaana guddoomiyihii baarlamaanka ah,xeerkii golaha Wakiiladu ansixiyeen markii Guurtida loo dirayay ayuu  bedelay, ku-xigeenkiisii ayuu  feedhay,Wasiirka xidhiidka Goleyaasha markii Awdal ololuhu ka socday lix markhaati ayaa loo hayaa  oo  uu ku yidhi si fool ka fool ah madaxa ayaan kaa toogan,inay khaladkiisii tayda ku qariyaan horta waa nasiib darro,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe  oo hadalkiisa sii wata kana hadlayay  hanjabaadda dilka ah ee lagu soo eedeeyay waxa uu  yidhi. “Shalay(Salaasadii) Waanu fadhisanay meesha dacwad baanu geynay. Sadexdda Xisbi baa fadhiyay, Komishankaa fadhiyay. waxaan idhi Cirro iyo dadkan daba yaacaya Haddii aan xeer na kala ilaaliyaa oo diwaan gelinta ku saabsan la helin, waa la is dili doonaa. waana la toogan doonaa oo waan toogan doonaa  baan waliba idhi waa haddii aanu sharci jirin waa la is dilayaa intaasi  markay dhacday baa la i yidhi guddoomiye intaa ka reeb waxaan idhi intiina kale waan ka reebee WADDANIYOOW waan idin sheegayaa haddii aydaan joojin basar xumada oo aan xeer laga soo sarin, laakiin tiisii Wasiirka xilka haya  iyagoo fool ka fool isku hor taagan uu ku yidhi ee  lixda marag loo hayo oo uu yidhi waan ku tooganayaa ayaa jirtay, anigu (Faysal) waxaan idhi haddii aanu sharci iman taa miyaa la iloobay.”
Is weerarka labada xisbi mucaarid iyo  hanjabaadaha dilalka ah ee ay isku eedeeyeen ayaa ka dambaysay ka dib markii uu Faysal Cali Waraabe dacwad ka dhan ah labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI uu u gudbiyay Komsihanka Salaasadii isagoo ku eedeeyay inay qorshihii diiwaan gelinta ay hadhaysay ololeyaal siyaasadeed oo ay labadaas xisbi isku eryanayaan, gaar ahaan gobollada Togdheer iyo Awdal oo diiwaan-gelinta laga soo fuliyay.Eedahan iyo dacwadahani waxay noqonayaan gulufkii ugu weynaa ee labadaas xisbi isku qaadaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply