Maayarka Burco oo Kashifay Caaqil Sababay Carqaladeynta Sahamintii Shiidaalka Bariga Dalka

0
278

Burco(Dawan):- Maayarka magaalada Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad ayaa faahfaahin ka bixiyey tallaabo cuqaasha Togdheer midkood hore ugu hor istaagay hawlahii sahaminta shidaalka gobollada Barri, oo sababay in shirkadihii hawshaa waday dalka ka baxaan.
Maayarka Burco oo ka hadlayey kulan  bulshada Togdheer lagu fahamsiinayey muhiimada soo saarista kheyraadka dalka oo fure u ah horumar ayuu ka sheegay in laga digtoonaado wararka xaqiiqada ka fog ee dadka qaarkood u sheegaan shacabka reer miyiga ah si ay ugu carqaladeeyaan hawlaha sahaminta shidaalka dalka oo hadaf qaran ah.
Mr. Muraad oo ka hadlayey dhacdo uu joobjoog ka ahaa oo cuqaasha Togdheer midkood warar aan dhab ahayn ugu gudbiyey bulshada reer miyiga aha ayaa yidhi,
“Xilligii ay socotay sahamintii shidaalka, waxaan tagnay tuulo, nin odey Caaqil ah aya adadka abaabulayey, si ay u horistaagaan hawlaha sahaminta, isagoo ugu sheegay in Dambaska lagu calaamadinayo dhulka yahay sun oo dad iyo duunyo aanu waxba ka reebayn,”
Maayarka Burco ayaa sheegay in markii la ogaaday inuu hawlaha kicinta dadka qeyb ka ahaa, ee la fahamsiiyey hawsha la wado, ayaa la faray inuu dadkii ka saaro, beentii uu hore ugu sheegay, waxaana doodahiisii  ka mid ahaa,
“Dambaska laydin leeyahay waa sun (hadda isagaa hore ugu sheegay dadka) waxba kama jiraan, waa calaamad, anaa saaka dhadhamiyey oo carabka saaray.”
Mustaqbalka dhow, oo xukuumada Somaliland qorshaynayso sidii dib loogu bilaabi lahaa hawlaha sahaminta shidaalka dalka, ayaa hadalka Maayarka Burco ka sheegay jilaafooyinka qaar ka tirsan bulshadu ku horistaagayaan hawlaha soo saarista kheyraadka dalka, shardi ka dhigaysa in talaabo adag laga qaado qof kastoo ku sifooba ficilkaa, mansabka uu doonto ha hayee.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply