Hooyo La Nool HIV/AIDS Oo Ka Dayrisay Duruufahooda Nololeed, Xukuumaddana u Dirtay Baaq Culus

0
271

Hargeysa(Dawan):-Hooyo Hodan Aadan oo ka  mid ah dadka la nool xanuunka HIV/AIDS, oo ku nool magaaladda Hargeysa, ayaa ka deyrisay xaaladooda nololeed, waxaanay ku baaqday in la daryeelo oo raashin la siiyo dadka jilicsan ee la nool xanuunkan.
 
Gabadhan oo shalay nagu soo booqatay xarunta wargeyska DAWAN, ayaa sheegtay in si la mid sida dadka abaaruhu hayaan loogu gurmanayo loo caawiyo dadka HIV/AIDS la nool.“Neefka xoolaha ah ee abaarta u dhinta waa laga war hayaa laakiin, dadka la nool xanuunka HIV ee ku dhaqan dalka ciddina kama war qabto, annaga dadkayagu waxay ku dhacaan suuqyada iyaga oo gaajo iyo dayac la taag daran, xataa dhakhaatiirta waxay ugu dhintaan jal la’aan,”ayay tidhi Hooyo Hodan Aadan.
Haweenaydani waxay sheegtay inaanay dawada ay qaadataa waxba u taraynin, maadaama oo aanay wax cunto ah haysan, waxaanay tidhi  “Sida aad arkayso waxaan sitaa daawada aanu u qaadano xanuunkan taas oo ka kooban soddon xabo oo kiniin ah oo kala duwan oo aan ka soo qaatay cusbataalka, laakiin daawadani waxba noo qaban mayso oo wax aanu ku cunaba ma haysanno, barigii hore waxaanu qaadan jirnay waxoogaa yar oo raashina kiina in muddo ah, maanaan helin mana garanayno waxa nalooga goostay.”
Hooyo Hodan waxay ku dooday   in ay dawladdu ka gaabinayso wacyigalinta iyo wax ka qabashada xanuunkan.
Gabadhani waxay ku boorisay  xukuumadda  Somaliland  inay fadhiga ka kacaan oo ay u guntadaan sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigalinta cudurkan si loo badbaadiyo dadka qaba, isla markaana looga hortago in uu ku faafo dalka.
“Madaxweyne, waxaanu nahay dad mawaadiniin ah oo xanuusanaaya oo dhiban una baahan in la gacan qabto ee hoos hana loo eego, waxaanu rabnaa in naloo daryeelo oo naloo ogaado sida loo ogyahay ee wax loogu qabto mawadiniinta kale ee la nool xanuunada maskaxda, Qaaxadda iyo dhammaan cudurada kale ee Alle  ku keeno dadka,” ayay hadalkeeda ku soo koobtay Hooyo Hodan Aadan.
Sagal Abdurahmaan ahmed filibiin
Dawannews Hargeysa OFFICE

Leave a Reply