Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan Guubaabo Iyo Xog-waraysi Ah La Yeeshay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Dalka

0
281

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay kulan uu ku guubaabinayay inay shacbiga cadaallad ugu garsooraan la yeeshay Guddoomiyeyaasha maxkamadaha racfaanka iyo gobolladda Somaliland oo dhan.Kulankan oo ahaa  mid lagu dar-dar gelinayay hawlaha garsoorka iyo caddaalada dalka ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee muddo 24 sanno ah ay kulmaan Madaxweynaha qaranka Somaliland, gudoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanadda gobolada.
Shirkani markii uu dhammaaday waxa saxaafadda la hadlay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed,waxaanu yidhi  “Maanta (shalay) halkan waxa isugu yimi garsoorkii gudoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanada ee gobollada ugu sareeyey iyo gudoomiyayaashii maxkamadaha gobollada dhammaan  wadanka oo dhan.”
“Madaxweynuhuna maanta (shalay) wuu casuumay si uu ugala hadlo dardar gelinta garsoorka iyo cadaalada, markaa si fiican buu Madaxweynuhu u qaabilay waxaan uga mahad naqaynaa sida fiican ee uu madaxweynuhu u soo dhaweeyey waana markii ugu horaysay ee gudoomiyayasha maxkamadaha rafcaanada gobollada wadanka oo dhan qasriga madaxtooyada madaxweynuhu ku qaabilo iyo inta la xusuusan yahayba waayo hore umay dhici jirin waxaanay qeyb  ka tahay dardar gelinta uu madaxweynuhu hogaaminayo ee garsoorka iyo cadaallada wax lagaga bedelayo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha maxkamadda sare.
Aadan Xaaji Cali waxa uu intaasi raaciyay “Markaa anigoo ku hadlaya afkii garsoorka iyo cadaallada madaxweynaha aad baan uga mahad naqaynaa si fiican buu u qaabilay waa la is xog waraystay tallo iyo tusaale uu madaxweynuhu u soo jeediyey. sidoo kale gudoomiyeyaashu waxay madaxweynaha u soo jeediyeen wixii tallooyina iyo wixii ra’yi ah ee ay hayeen, waxaa kale oo aan aad uga mahad naqaynaa Madaxweyne ku xigeenka oo kulanka kala qeyb qaatay iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Xogahayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali,  markaa haddii aanu nahay bahdii garsoorka aad baan Madaxweynaha iyo xukuumadiisa  uga mahad naqaynaa sida fiican ee ay noo soo dhaweeyeen waanu soconayaa xidhiidhkaasi oo  Madaxweynaha waxaa ka go’an inuu dib u habayn weyn ku sameeyo cadaallada si ay dadku u helaan adeeg cadaaladeed oo hufan markaa taasaanu annaguna ku shaqaynaynaa.”
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliand Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna dhinaciisa tafaasiil ka bixiyay nuxurka kulankan iyo waxyaabihii la isla qaatay, waxaanu yidhi “Kulankan  Madaxweynuhu wuxuu ku qaabilay sidaa Guddoomiyaha Maxkamadu sheegay  Aadan Xaaji Cali  Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobollada iyo  Racfaanada ee dalka oo dhan wuxuu ahaa kulan qiimihiisa leh oo aad u muhiima waxay bahda garsoorka iyo  madaxda cadaalada ee gobollada kala duwani ka warameen waayaha, duruufaha iyo masuuliyada ay qarankan u hayaan iyo wixii u qabsoomay.”
Wasiirka madaxtooyaddu  waxa kale oo uu intaa ku daray “Madaxweynaha Somaliland wuxuu uga mahadnaqay isbedelka laxaadka leh ee bahda garsoorku Guddoomiyaha Maxkamada sare iyo  Guddiga Cadaaladu ka wadaan oo isaguna bartilmaameed u ah Madaxweynaha Maamulkiisa sida aad xogagaalka, ka tihiin Khudbad sannadeedkii sannadkan ee Madaxweynuhu Goleyaasha  Wakiilada iyo Golaha Guurtida ka hor jeediyey, waxaa uu khudbadiisii si xoogle ugaga hadlay garsoorka Somaliland iyo isbedelka uu u arko inuu ka imanayo, Garsoorku waa waax mada xbanaan oo haddana Madaxweynaha hoos yimaada masuuliyada qaranka waaxyaha kala duwan oo dhamina Madaxweynaha ayey hoos yimaadaan.
Madaxweynuhu illaa 11-qoddob oo wax-qabada buu sheegay khudbadaa Madaxweynaha ee sannadkani Hay’adaha dawladda ee kale waxqabadkooda midna kama waramin Siyaasada iyo arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha noloshada saamynta ku leh bulshaduu ka hadlayey laakiin garsoorka xoog buu isu barbar taagay khudbadii ugu dheerayd dhinaca garsoorka ama ugu xuska weynayd bay ahayd ujeedaduna waxay iftiiminaysay muhiimada garsoorku u leeyahay cadaaladda iyo nolosha bulshada Somaliland.”
“Waxaanu aaminsanahay in garsoorka Somaliland waa cusub u baryey in uu maanta dariiq wanaagsan hayo waxaa runtii Madaxweynuhu ku guubaabiyey gudoomiyayaashaa gobollada ee kala duwan in isbedelkaa xaqiijiyaan inay ummadda cadaalada gaadhsiiyaan, inay ummadda cadaalad ku dhaqaan, in kalsoonidii bulshada ee bahda  cadaalada niyad jabkii kaga dhacay dib loo nooleeyo oo ummaddu aaminto garsoorka iyo cadaalada, sharciga iyo kala danbaynta, Waxaanu ugu danbayn hambalyeynaynaa u mahad naqaynaa dhammaan masuuliyiinta kala duwan siday xilkooda u gudanayaan waayaha iyo duruufaha ku gedaamana inay u dul qaataan ayaanu ku waaninaynaa  kula dardaarmaynaa wixii lagala qaban karana dhamaanteedba Madaxweynuhu runtii waxyaalo badan uu balan qaaday inuu wax kala qabto,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
 
By: Axmed M.Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply