Maqaal: Xal La,aanta Abaarta Xilimaan Ka Baxaynaa?

0
325

Hargeysa: Bulsho waynta reer Somaliland miyi iyo magaalaba waxa ay sanadba sanadka uu ka dambeeyo la daalaa dhacayaan oo ku soo noq noqta abaaro ba,an oo dhulka dhigta dad iyo duunyaba, abaarahaas oo sanad kasta caydheeya boqolaal qoys oo xoolo dhaqato ah halka in kale oo badana ay dirqi ugu bad baadaan xoolaha ay dhaqanayaan.
Abaarahan ayaa u qaybsama laba qaybood Mid ay keenaan bini-aadamku (human induced disaster). Iyo Kuwo dabiici ama rabaani ah (natural disaster).
Hadii aan ku horayno mida aynu gacamaheena ku keensano waxa hubaal ah inay tahay mida ugu mushkilada badan oo xalkeeduna noqdo mid aynaan  maarayn kari , sababta oo ah wax aynaan ka fikirahayn sidii aynu u xalin lahayn.
Jarrida ama xaalufinta kaymaha/dhirta (Deforestation) si loo helo dhuxul ama dhul la beerto, ayaa ah mid caawaaqib xummo ku haysa deegaanka taas oo sababta in uu xumaado,isla markaana keenta deegaankii oo baaba’ gebi ahaantiisba(Environmental Degrdation),iyo weliba nabadguur ku dhaca ciidii-(Soil Erosion)
Biyaha oo aan si wanaagsan loo isticmaalin,waxay sababtaa tayadii  biyaha oo xumaata ama in la Waayaba (water management and conservation).
Dhibaatada abaareed ee guud ahaan soomaalida iyo reer Somaliland ba ku habsada ayaa ah kuwo ka soo bilaamay biyo yaraanta ku dhacda dhul ama roobkii la filaayey oo la waayey,taasoo dhaxalsiisay beeraleeyda iyo xoolo dhaqatadii dalku inay ka rajo dhigaan biyihii ay wax ku beeran lahaayeen ama biyihii iyo baadkii ay xooluhu calfan laayeen.,
Sida oo kale  aafada dabeeciga ah ee ku timaada qadarka Alle,ee waxa laga qaban karo waa wax iska yar,balse waa in laga digtoonaada,lana ogaadaa in ay dhici karto,taas oo badanaa lagu sifeeyo cimilada deegaanka ama tirada roobabka uu gobalku helo.
Arinta kale ee macquulka ahi waa in la waayo roobabkii imaan jirey xillgoodii amase laba waayaba gebi ahantood,taasina waxay dhalin kartaa abaaro, hadaba waxa ay is waydiintu tahay maxaa lagu xalin karaa aafada abaaraha inala darsa.
Biyo la’aantu waa waxyaabaha saldhiga u ah in ay abaari timaado,si biyaha loo ilaaliyo ama looga faa’ideeysto si habboon waa in aynu helnaa caqliyo saliim ah ama wanaagsan oo biyaha roobka u sameeya meelo lagu kaydsado si loo isticmaalo xiliyada roob yaridu jirto amaba roob la,aanta
Deegaankaaga oo hela  biyo xidheeno yaryar oo xiliga guga aad ku kaydsato biyaha roobka ee ku dhaafi lahaa waxa ay bad baado u tahay dadka iyo mayeedhaanka ku dhaqan degmada oo abaarta ka bad baadi kara.
Waxana haboon in aynu samayno dhul daaqsimeed iyo waliba in aynu kaydsano cawska iyo waxyaalo kale oo aynu xoolaheena ku bad baadino xiliyada abaaruhu dhacaan inaga oo aan ka guurin ama ka hayaamin deegaanadeena.
Si aynu uga bad baadno dhaqaalo xumi iyo dhibta abaaraha ina bariinsaday ee saamaynta ku yeeshay miyiga iyo magaaladaba waa in loo guntado sidii looga faa,iidaysan lahaa xili roobaadka iyo biyaha badan ee inaga gala badaha, isla markaana loo heli lahaa shacab iyo xukuumad ka midaysan sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga aafada abaaraha.
Waxaan ku soo gabo gabaynayaa maqaalkan tixi kooban oo aan kaga hadlaayo isla mawduuca aan ka hadlaayay waana tan.
Dhir engegen dhulkaa boodhku kacay
Dhibic la,aan roobka
Dhalan dhoolka maatida gashee
Dhididku hooraayo dhimashada
Mayeedhaanka iyo dhamacda jiilaalka
Dhibta iyo abaaraha dhiciyo
Dhaqato waydawday
Dhalcadiyo cadceedaha dhaciyo
Boodhka nagu duulay
Dhibaatada kulaylkiyo alloow
Dhamaca jiilaalka dhirbaaxada
na gaadhiyo Raboow Dhixirka waydoobay
Dhalaan iyo barbaartiyo dhudi haraadkooda
Allahayoow adaa dhayi karee
Dhoolku u hilaaco dal dhameeye
Dhibic soo da,diyo dhagar midaan gaysan
Dhul cagaarshe roob aan dhir ridin
Oon dhambalin ciida
Dhibco khayr leh daad iyo
xareed dhaqa abaartoo dhan
Allahayoow Dhambaalkuu diree
maanta nagu hooro
Allahayoow Dhamaata
Dhibtani iyo dhamacda jiilaalku.
Amiin amiin insha allah.
wariye Sagal Abdurahmaan Ahmed(Filibiin)
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply