Aqoontaadii waxay ku dhamaatay muranka qadadeena!

0
327

Nin weyn oo da’ ah ayaa wiilkiisa oo ku soo qaatay PHD cilmiga falsadda la qadaynayay. Maalinkaasi ayuu odaygu weydiiyay wiilkiisa . “ adigu imika waxaad soo bartay caafimaadka sided dadka u dawaysaa?
Wiilka ayaa ugu jawaabay “ Aabo anigu maan soo baran dhakhtarnimo, waxaan soo bartay cilmiga falsafadda. Aabaha oo yaaban ayaa ku  yidhi “ Maxaad uga jeeda falsafadda ?“ Wiilka ayaa ugu jawaabay “ waa cilmi balaadhan, imika horteena waxa taalla qado ka kooban bariis iyo hilib laba digaag ah, soo sidaasi maaha aabo?
Aabaha ayaa ku jawaabay : “ haa, walaahi “. Wiilka ayaa ku yidhi aabihii “ haddaba falsafadda, waxaan hadda awood u leeyahay inaan kugu qanciyo , inuu halkan yaalo bariis  iyo hilib digaagad qudha”. Aabaha: Ma intaasi ayaad soo baratay , intuu gacantiisa kor u qaaday ayuu  bilaydh kale soo qaatay oo ku riday hilibkii labada digaagood midkood, waxaana uu ku yidhi “ Haddaba anigu cilmi taasi uma arkee xabadayda waan cunayaa adiguna cun midhkaagag ? Aqoontii aad muddada soo waday ma waxay dhaafi weyday muranka qaadada aan cuno.

Leave a Reply