Imaaraadka Carabta Oo Gurmad Hor Leh Keenay Somaliland Iyo Guddiga Abaaraha Oo La Wareegtay

0
289

Berbera (Dawan)- Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa gurmad hor leh soo gaadhsiisay dadka reer Somaliland  ee ay abaaruhu saameeyeen, waxaana shalay dekeda Berbera soo gaadhay markab sida kun tan oo raashin ah oo loogu tallo-galay 8 kun oo qoys oo ka mid ah bulshadda abaaruhu tabaaleeyeen.
 
Safiir Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta   Baashe Cawil Xaaji  Cumar, ayaa faahfaahin ka bixiyay markabkaasi raashinka ah ee ay dawladda Imaaraadku ku taakulaynayso dadka reer Somaliland ee ay abaaruhu ku habsadeen.
“Marka hore waxaan jeclahay in aan halkan uga mahad celiyo  guddiga abaaraha ee maanta hawshan mucaawimada dawladda imaaraadku ugu deeqday Somaliland la wareegaysa, hawshanina waxay daba-socotay mucaawimooyin in muddo ah dawladda imaaraadku u waday dadkii abaaruhu waxyeeleeyeen ee reer Somaliland, waana tii saddexaad muddo sannad gudehii    ay soo dirto hay’adda Khalifa Binu Zayed Al-Nahyan Foundation ee ay dawladda imaaraadku soo gudbiso,”ayuu yidhi Baashe Cawil, waxaanu intaasi ku kabay   “Waxay runtii muujinaysaa in dawladda aanu walaalaha nahay ee Imaaraadku mar walba ay heegan ugu yihiin inay wax in-nala qabtaan mar kasta oo dhibaato iyo mushkiladi soo istaagto ama ay la soo deristo shacbiga ay u soo gurmadaan, runtii aad iyo aad ayaan ugu mahadinayaa anigoo ka wakiila Madaxweynaha iyo Shacbiga Somaliland sida ay walaalaheen innoogu soo gurmadeen.”
 
“Waxa kale oo aan jeclahay in aan uga mahadcesho mashaariicda kale ee balaadhan ee ay dalka ka fulinayaan, hadday tahay xaga waxbarashada iyo awqaafta oo ay laba cisho ka hor ay timid wefti balaadhani, hadday tahay xaga kale ee biyaha oo hay’addan Khalifa Foundation runtii ay ka fulinayso dalka, iyo mashaariic kale oo faro badan oo ay imika gacanta ku hayaan markaa anigoo sidaan sheegay Madaxweynaha Somaliland iyo Shacbiga ka wakiila aad iyo aad ayaan uga mahad-celinayaa.mashaariicdaa tirada badan ee ay dalka ka wadaan, waxaanan jeclahay in aan hawshaa ay maanta halkan ka wadaan oo ah mid loogu tallo-galay ilaa 8 Kun oo qoys loogu tallo-galay in ay insha Allaa ay la wareegto guddida abaaraha oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaan-dhiga, iyaguna markaa ay qaataan masuuliyada sidii loogu qeybinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.”
Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno ka mid ah Guddida abaaraha heer qaran oo uu hogaaminaayey Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga Somaliland, culimo awdiin, ganacsato iyo xubno kale, kuwaasi oo dhammaantood uga mahad celiyey dawlada Imaaraadka mucaawimadaa ay la soo gaadheen dadka tabaalaysan, iyaguna ay sida ugu habboon ku gaadhsiin doonaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply