Xafiiskii Ugu Horeeyey Ee Dalka Jabuuti Ku Yeesho Somaliland Oo Laga Furay Hargeysa

0
307

Hargeysa(Dawan):- Xafiiskii ugu horeeyey ee safaaradda  dawladda Jabuuti ku yeelanayso Somaliland,  ayaa shalay laga furay caasimadda Hargeysa.
Xafladii loo sameeyay furitaanka safaaradan waxa ka qeyb galay Wasiirro, xubno ka socday goleyaasha qaranka, madaxda saddexda xisbi qaran  iyo qaar ka mid ah jaaliyadda reer Jabuuti ee degan Hargeysa.
Safiirka dalka Jabuuti ee Somaliland Mr. Xuseen Cumar Kawaaliye, oo xafladaa ka hadlay ayaa amaanay sida guud ahaan shacabka Somaliland ugu soo dhoweyeen dalka. “Waxaan nasiib u yeeshay inaan noqdo wakiilkii ugu horeeyey dalka Jabuuti ee dega, xafiisna ka furta Somaliland. Sidoo kale mahad weyn ayaan ka celinayaa sida xukuumadda, shacabka Somaliland iyo jaaliyada Jabuuti ii soo dhoweeyee,”ayuu yidhi Xuseen Cumar.
 
Safiirka Jabuuti ayaa sheegay inaanay ahayn markii koowaad ee adkaynta xidhiidhka u dhexeeya labada shacab ee Jabuuti iyo Somaliland uu ka shaqeeyo, waxaanu yidhi “Maaha markii koowaad ee aan ka shaqeeyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada shacab, anigoo baarlamaanka Jabuuti ku jira ayaan ka shaqeyn jiray, maantana ku faraxsanahay inaan noqdo safiirkii joogay Hargeysa.”
Mr. Xuseen Cumar, safiirka Jabuuti ee Somaliland ayaa sheegay in shacabka labada wadan wax walba wadaagaan, loona baahan yahay xoojinta wax wada qabsigooda.“Shacabka labada wadan wada dhalasho ayaa ka dhexeysa, waxaa loo baahan yahay sidii loo sii xoojin lahaa, wada jirna looga wada shaqeeyo horumarka labada wadan. Waxaan ugu baaqayaa jaaliyada Jabuuti ee degan Somaliland inay u hogaansamaan sharciga dalkan ay joogaan, isla markaana iska diiwaan-geliyaan xafiiska si dhammaan baahiyaadkooda loogu dhammeeyo.”
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, gudoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID  oo  xaflada ka hadlay ayaa ka hadlay ahmiyadda uu labada dalba u yeelan doono xafiiskani, waxaanay ka hadleen iskaashiga dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee labada dawladood ee jaarka ahi wadaagaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply