“Waxaan Doonaynaa In Radio Hargeysa, TV-ga Qaranka Iyo Wargaysyada DAWAN Ay Noqdaan Kuwa Ugu Horeeya Warbaahinta”

0
290

Hargeysa(Dawan): Wasiirka   Wasaaradda  Warfaafinta,  dhaqanka iyo wacyigelinta jamhuuriyadda Somaliland  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ka hadlay arrimo   uu ku tilmaamay amni-darro oo lagu jebiyey xafiiska khasnejiga TV-ga Qaranka iyo  warar uu  sheegay  in ay  been abuur  yihiin oo laga qoray wasaaradda.

  Wasiir Cadaani oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa kale oo  uu ka hadlay warar sheegayay in uu jiro Khlilaaf ka dhexeeya isaga iyo wasiir ku xigeenkiisa iyo    is-bedelo   horumarineed   oo uu sheegay in ay ku samaynayaan waaxyaha kala duwan ee   Wasaaradda.

Wasiir Cadaani, ayaa ugu horayn  waxa  uu ka hadlay  Falka  amnidarada ah ee uu sheegay in uu gudaha wasaaradda ka dhacay, kaasi oo sida uu sheegay lagu jabsaday xafiiska khasnejiga TV-ga qaranka isagoo xusay in uu socda baadhitaan arrintaasi ay ku wadaan ciidamadda boolisku.

Waxaanu  yidhi “Xalay  (habeen hore), waxaa  wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta gudaheedda  ka dhacay fal dembi ah oo lagu jabsaday xafiiska khassnajiga TV-ga Qaranka, markii aan subaxnimadii shaqada soo galay,  waxaan  u imid xafiiskaas  oo jaban oo ay Innantii  ku shaqaynaysay qaylinayso,  oo leedahay xafiiskii  baa la iga jabsaday oo 5.900.000 laga qaatay,  warbixintaa markay na siisay  waxaanu u yeedhnay taliyaha Booliska, waxaananu   ku  wargelinay  ciidanka baadhista dembiyada, waxaana socda baadhitaan ku aaddan falkaasi.”

 Waxa  kale oo uu wasiirku beeniyey warar sheegayay in mudadii uu wasaaradda joogay uu is-taagay barnaamijkii tooska ahaa ee Telefishinka Qaranka, isagoo   wararkaasi  ku sheegay in ay yihiin kuwo la been abuuray  oo aanay waxba ka jirin. “Waxaan moodayey in warbaahinta oo dhami ay ogayd in wixii aanu isla qaadanay ay ahayd in la hubiyo sugnaanshaha warka la baahinayo, laba  maalmood waxaa  shebekadaha qaarkood lagu baahinayey in intii aan wasaaradda joogay uu istaagay barnaamijkii Tooska loo baahin jiray ee TV-ga qaranku, waa war aan waxba ka jirin.

Barnaamijkaasi  waxa uu istaagay 24 bishii November ee sanadkii ina dhaafay, anna halkan (Wasaaradda) waxaan joogay  muddo saddex  todobaad ah,  mudadaana  waan ka shaqeeyey sidii barnaamijkaa dib loogu hagaajin lahaa,  aniga oo agaasimihii farsamada ee wasaaradda u diray dalka Thailand si arrinkaa deg-deg loogu hagaajiyo, waxaanan  sii daayey kharashkii ku baxayay”ayuu yidhi wasiirka warfaafinta.

 

Dhinaca kael, Md Caddaani waxa  kale oo uu ka hadlay   warar uu  been abuur ku tilmaamay oo   lagu sheegay  in   khilaaf   uu ka dhexeeyo isaga iyo wasiir ku xigeenkiisa  Marwo Shukri Xariir Ismaaciil.  Waxanu  ku sifeeyey wararka noocaas ah kuwo ay wasaaraddu hore u caadaysatay laakiin aan xiligan jirin, meel laga keenayna aanu garanayn.

Wasiirka warfaafintu  waxa uu tilmaamay qorshayaasha isbedel ee uu ku hawlanaa mudadii koobnayd ee uu Wasaaradda joogay sida tayaynta waaxyaha baahinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, oo ay soo raacaan adkaynta amniga xarunta Wasaaradda iyo ku ilaalinta shaqaalaha xiliyada shaqada iyo kaltankeeda.

“Waxaan doonaynaa in Radio Hargeisa, Tv-ga Qaranka iyo wargaysyada Dawan ay noqdaan kuwa ugu horeeya warbaahinta Af-ka Soomaaliga ku hadasha. Waxaa  noo qorshe ah in Wakaaladda   wararka  aanu  ka  dhigno mid caalami ah,  oo guud ahaan warbaahinteenna  iyo Warbaahinta caalamiga ahba u noqota il-wareed ay xogta ka helaan.  Waxaanu  ahmiyadda  siinnay  in  la adkeeyo  amniga  xeradda wasaaradda  oo  shaqada  ka  dhex  socotaa  muhiimad weyn u leedahay Qaranka. Waxaa  naga  go’an  in  aanu  is-bedel  muuqda  ku  samayno  waaxyaha  kale  ee  Dhaqanka iyo Wacyigelinta,”ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

 Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase),  oo isna shir jaraa’idkaasi kelmad ka jeediyey waxa uu sheegay inay isbedelada wasaaradda ee wasiirku hormuudka ugu yahay ay sii soconayaan, sidoo kalena la sii wadayo qorshaha kaltanka shaqada iyo shaqaalaha, waxa laga wada shaqaynayo ee laga wada tashanayaana ay tahay dantii Qaranka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply