Guddoomiye Cirro Oo Si Qiiq Isku Qarin Ah Uga Jawaabay Eedo Musuqmaasuq Oo Xildhibaan Maxamed Cali U Soo Jeediyay

0
311

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa jar iska xoornimo ah ugaga jawaabay eedo musuqmaasuq iyo ku tagri-fal awoodeed oo uu Sabtidii todobaadkan u jeediyay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.
Xildhibaankan  oo hore u ahaa Guddoomiyaha Guddiga Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida ee Golaha Wakiillada, balse xilkaasi laga qaaday  Sabtidii  oo uu furmay kalfadhigga 31aad ee golaha, iyadoo laga beddelay guddigaasi oo loo wareejiyey Guddi-hoosaadka arrimaha dibadda, ayaa kadib markii warkaasi soo baxay shir jaraa’id oo uu qabtay  waxa uu ku soo bandhigay musuqmaasuq uu sheegay inay ka dhaceen golaha dhexdiisa.
“Golaha Wakiillada musuqmaasuq fara badan oo xadhkaha goostay baa ka jira, waxaannu ka eegnay shaqaalaha oo ay iska qoranaysay shakhsiyaad, taas oo keentay in shaqaalaha golaha joogaa ay noqdaan in ka badan 116, annagu golahayaga xogogaal baanu u nahay, waanu arkiwaynay 116 shaqaale ah oo golaha jooga, waxaannuse aragnay shaqaale aad u kooban, iyadoo hay’addii shaqaalaha la isku haysto waanu idin tirinaynaa iyo na tiring maysaan.
“Waxa jirta in hay’adda Shaqaalaha iyo Golihii is haystaan oo qoraalo adadagi dhexmareen, waxa caddaatay hadda wixii aannu warbixinta ku qornay oo hay’addii shaqaalaha la isku haysto waanu idin tirinaynaa shaqaalihiina iyo na tirinmaysaan, shaqaalahaad qorateen waxa la idinka doonayaa in imtixaan laga qaado iyo laga qaadimaayo. Markaa waxa ku cad golahayagii musuqmaasuq, waa in la baadho oo hanti-dhawr loo soo diro, waa in golaha dib-u-eegis lagu sameeyo,”ayuu ku dooday Xildhibaanku.
 
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Waxaannu halkan ku haynaa lacagta golaha la siiyo inay ashkhaas gooni ah ku dhacdo magacyadooda, $150,000 (boqol iyo konton kun dollar) baanu doonaynaa in dadka halkaa ku qoran (warqad uu gacanta ku hayey) wax laga waydiiyo lacagtay golaha kala baxeen ee ay qaateen, oo aanay ahayn inay qaataan oo aanay ahayn inay saxeexaan oo aanay ahayn inay magacooda ku baxdo, waa su’aal aannu waydiinayno oo aan lagaga hadhayn oo aannu hordhigayno golaha.
Waxa kaloo warqaddan ku qoran caaglayaal (shaqaale ee aan rasmi ahayn) magacyadoodii iyo waqtiga ay mushaharada qaataan. Halkan waxa ku qoran shakhsi keliya oo afar ama shan mushahar ka qaata Golaha Wakiillada, waxaannu u aragnaa in ay ka mid tahay waxyaabihii guddiga loo sameeyey, waxyaabihii ay ahayd in qarankani iska ilaaliyo,” ayuu yidhi Md. Maxamed Obama.
Waxa kaloo uu ku dooday in ka beddelistiisa Guddiga Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranku la xidhiidho cabsi shirguddoonka Wakiilladu ka qaadeen warbixinta musuqmaasuq ee ay diyaariyeen, waxaannu ku baaqay in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo golahooda.
Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Shirguddoonku waxay ka hordhaceen warbixintan aannu u soo gudbin lahayn oo sida aannu xukuumaddaba iyo wasaaradahaba u dhaliilayno oo ay is yidhaahdeen Maxamed Cali oo aad ka qaadaan guddigii dabagalka hantida wuu ku aamusi doonaa.
Waxaannu leenahay baadhitaan dhab ah ayaa lagu samayn doonaa Golaha Wakiillada,  haddii ay jiraan shaqaale caaglayaal ahi waa laga qaban doonaa golaha, haddii ay jiraan dad aan wax qorin, waxna akhriyin oo mushahar ka qaata golaha waa laga qaban doonaa.”
“Waxa kaloo intaa dheer xeerarka golaha ka baxa oo la beddelo oo cidda beddelaysaa ay tahay shaqaalaha, waxaannu baadhnay xeerkii la isku haystay oo aannu hayno ciddii beddeshay, waqtigii la beddelay ilaa falaashtii (flash) lagu beddelay baanu haynaa, laakiin waxaan aad uga xumahay in shirguddoonku xamilliwaayey warbixintii golaha laga akhriyi lahaa berri (maanta) oo aannu ku caddaynaynay in musuqmaasuq dhab ahi jiro, maanta (shalay) la yidhi guddigii ha la baabiiyo oo halaga qabto ninkan innaga inoo soo dhigtay ee wax innaga sheegaya.”
Geesta kalena, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa  ka war-wareegay inuu jawaab waafiya ka bixiyo eedaha xildhibaanku u soo jeediyay, waxaanu uga hadlay hanaan jar iska xoornimo ah. “Xildhibaanku Haddii uu is yidhi kaftan, waxay ahayd inuu meel fiican ka bilaabo. Waxaanay ila tahay inay arrintani mid ka dhalatay bedalkii lagu sameeyay,wixii jawaab ahna waa laga bixin doonaa. Bulshaddana waxaan leeyahay eedahaasi waxba kama jiraan,”ayuu yidhi  Guddoomiyaha Wakiiladda oo shalay la hadlay TV-ga Star.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply