Madaxweynaha Neyjar oo Dib loo Doortay

0
393

Madaxweynaha  Neyjar Mahamadou Issoufou ayaa si weyn dib loogu doortey doorasho wareegii labaad ah oo muran hadheeyay.
Komishanka doorashada ayaa sheegay inuu helay in ka badan 90% codadkii la dhiibtay Axadii, taas oo ay qaadaceen mucaaridku.
Ninka mucaaridka ah ee la loolamayay  Hama Amadou, ayaa loo duuliyay Faransiiska toddobaadkii hore si loogu soo daweeyo, waxaana uu doorashada sida la sheegay ka helay   8%.
Dadka u soo baxay doorashada ayaa ahaa  60%, taas oo ay ku gacmo saydheen mucaaridku.
Isnaheysiga mucaaridka  Copa 2016, ayaa ka dhigay tirade u soo baxdey doorashada  11%.
 
 

Leave a Reply