Qaraxyo Gilgiley Brussels oo Dilay ugu Yaraan 30 Qof

0
448

In ka badan  30 qof ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tobanaan kale qaraxyo is xigxigey oo ka dhacay madaarka caalamiga ah ee Brussels iyo maxadad tareenada laga raaco oo isla magaaladaasi ah.
 
Qaraxyada ruxay  magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa  laba ka mid ah waxa ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada, halka mid kalena uu ka dhacay xarunta tareenada laga raaco. Saddex nin oo  riixaya xamaan oo laga arkay kamaradaha wax duuba ayaa loo maleynayaa in ay laba ka mid ahi is qarxiyeen, kii saddexaadna baxsadey, booliska ayaana ninkaasi saddexaad ku daba jooga.
Kooxda Daacish ayaa ku sheegatay qaraxyada hadal ay ku qortey shabakad xidhiidh la leh ee Amaq agency.
 
Warbaahinta dalka Belgium, ayaa ku warramaya in 30 qof ay ku geeriyoodeen qaraxyada, halka 130 kalena ay ku dhaawacmeen.
Muuqaallo ayaa muujinayey dad ka kala cararaya garoonka Zaventem, halkaasi oo laba qarax ay ruxeen, abaare sideeddii subaxnimo. 11 qof ayaa halkaas ku geeriyooday.
Waxyar kadib ayaa warbaahinta gudaha waxa ay ku warrameen in qarax kale uu ka dhacay xarunta tareenada magaalada. Illaa 15 qof ayaa qaraxaas ku geeriyootay, iyada oo 55 kalena ay ku dhaawacmeen.
Ra’iisul wasaaraha dalka Belgium Charles Michel, ayaa sheegay in tani ay daqiiqad madow u tahay dalkiisa, wuxuuna dadka ugu baaqay inay deganaan iyo isku duubni muujiyaan.
Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale sheegay in erayo carabi ah lagu qeyliyey ka hor qaraxyada.
Mas’uuliyiinta dalka Belgium ayaa ku dhowaaqay in dalka la geliyey heerka 4-aad ee heeganka, oo ah heerka ugu sarreeya.
Garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ayaa joojiyey dhammaan duulimaadyadii magaalada. Sidoo kale dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda joogaan.

Leave a Reply