Waa khalad in adeegu sidan uu qaali u noqdo!

0
375

Sida caadiga Caasimadda Ingriiska  London, waxay noqotay mid aad u cidhiidh ah, taasi oo qof kasta gaadhigiisa uu dhigto goobo geerash ah ama baarkin ah.  Dadka ayaa mudo kooban dhigta geerashyada taasi oo ay ku bixiyaan lacag yar. Laakiin ninka leh gaadhi Merchandis kuwa raaxda ah ee sawirka ka muuqda ayaa muddo 3 sano ah gaadhigiisa dhigay goob geerash, waxaana lagu soo dalacay lacag ka badan qiimaha gaadhigu uu joogo oo ah 22 kun oo doller . Ninka gaadhigan leh ayaa iskaga tegay gaadhigaasi markii uu is bixin waayay.  Shirkadda geerashka leh oo doonaysay inay ka qaado gaadhiga geerashka ayaanay u suurtagelin markii taayirada gaadhigu ay noqdeen kuwo aan shaqo geli Karin oo naqaskiina ka wada baxay. Ninka gaadhiga leh oo la weydiiyay sida u arko ayaa isuguna hadalka ku soo kooba “ Waa khalad in adeegu siann uu qaali u noqodo, maxaa yeelay dadkoo oo dhan aya ku mashquulaya adeegyada macaashak badan.
 

Leave a Reply