Jaamac Shabeel Oo Salaadiinta Ku Eedeeyay In Ay Farro-geliyaan Siyaasadda

0
425

Hargaysa (Dawan):  Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga  Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige   (Jaamac- Shabeel),  ayaa beeniyay in xildhibaanadda golaha Wakiiladda ee xisbiga Kulmiye ay wadaan mooshin xilka lagaga qaadayo guddoomiye Cirro  oo  dhawaan lagu eedeeyay inuu  ku  kacay musuq-maasuq.
 
Jaamac  Shabeel oo shalay u waramayay Aadan Cabdi Ciidle oo ka tirsan telefishanka Horn Cable oo wax ka waydiiyay wararka sheegaya in xilka laga qaadayo guddoomiye Cirro waxa uu ku jawaabay, “Warkaa mooshinka ah ma hayo anigu,  baarlamaanka ayaana ku  shaqo leh  oo haddii uu  dambi galo guddoomiyaha  golaha  Wakiiladu  baarlamaanka  ayay  u  taalaa inay   ku   qaadaan  dambiga uu galay,  laakiin  anga  xisbi ahaan  hawl  noo taala ma aha”ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
 
Jaamac  Shabeel  waxa kale oo   uu naqdiyay qaar ka mid ah  salaadiinta  Somaliland  oo uu  sheegay in ay  ku dhex milmeen   siyaasadda oo aan shaqadooda ahayn. Waxaanu  yidhi  “Salaadiintu  iyaga xadkoodii ka soo talaabay,  qofku  marka  uu  galo wax aan shaqadiisa ahayn oo uu  ku meeraysto, waxaan ka farxin  ayaa  yimaada.  Suldaanku  waa  inuu  ogaado  in  dadkiisu saddexda xisbi ku kala jiraan, haddii  uu  mid   weeraro  dadkii  xisbigaa  ahaa  way  ka   xanaaqayaan”.
Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayaa ugu hanjabay salaadiinta in haddii ay ku ekaan waayaan xayn-daabka dhaqanka oo ay  ku soo xad-gudbaan siyaasadda in ay ciqaab kala kulmi doonaan.
Waxaanu yidhi  “Kalsoonidiina  wuu luminayaa,  suldaanku  wuu  dab-ran  yahay ismana oga  salaadiintu  inay  dab-ran yihiin,  xagan  Sacad Muuse  uun kama jirto dhibaatada saldanadu leedahay ee meel walba way ka jirtaa.  Suldaanka  dhaqankii  ilaaliya mise ka lugta soo geliya  siyaasadda,  cadaabaha ayay ka waraabinaysaa,  mana  naxdo.  Markaa  waxaan  ku  baraarujin lahaa salaadiinta inay ka fogaadaan siyaasadda, suldaankuna waa in uu ogaado inay siyaasadu tahay  shayga  wax burburiya ee ugu adag”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply