“Shacabka Burco Waa Xareeda Somaliland Soo Dhoweyntana Lacag Kumaanu Bixin”

0
408

Burco- (Dawan):-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe   ayaa shaaca ka qaaday inaanay booqashooda gobolka Togdheer la xidhiidhin olole siyaasadeed, isla markaana xisbi ahaan aanay codsan in si balaadhan loogu soo dhoweeyo, balse taageerayaashoodu is-xilqaameen, kuna mahadsan yihiin.
Gudoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay si weyn loogu soo dhoweeyey ayaa sheegay inay u yimaadeen ku soo dhoweynta xisbiga taageerayaal cusub oo ku soo biiraya, iyo musharaxiinta doorashada baarlamaanka.
Eng Faysal Cali Waraabe oo Magaalada Burco ugu warramay Warbaahinta ayaa sheegay in aad ugu mahad naqayaan Bulshada Burco isagoo faahfaahin ka bixiyay ujeeddada socdaalkooda Burco .
“Waxaanu u nimid waxaa weeyaan , waxaan ku leenahay xaflad aanu qaabili doono dad xisbiga soo galaya, iyo murashaxiin u tartamaya Doorashooyinka Golaha wakiilada ,.” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .
Gudoomiye Eng. Faysal ayaa raaciyey inaan qorshaha soo dhoweynta balaadhan ahayd mid taageerayaasha xisbigu lahaayeen, balse madax ahaan aanay iyagu ka codsan, waxaanu yidhi,
“Soo dhaweynta kumaanu talo galin, shacabka Burco ku mahadsan,  lacagna kumaanu bixin, Anigu waxaan idhaahdaaba Burco waa Xareedda Somaliland ..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .
Sidoo kale Gudoomiye Faysal ayaa ku dheeraaday abaaraha ba’an ee ku habsaday Bulshada Reer Somaliland isagoo bulshada ugu baaqay in rabbi loo noqdo oo la waydiisto Raxmadiisa .
Si kastaba ha ahaate Socdaalka uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku yimid Gobolka Togdheer ayaa qeyb ka ah Dar-dargalinta Hawlaha Xisbiga maadaama ay Xisbiga ku soo wajjahanyihiin Doorashooyin waawayn oo kala ah Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada .
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply