Dadweynaha Awdal Oo Ururiyay Deeq Balaadhan Oo Dadka Abaaruhu Hayaan Loogu Gurmanayo

0
368

Boorama(Dawan):  Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud  Cali Saleebaan  (Ramaax) ayaa  sheegay in ay hayaan qaadhaan   ay ka soo ururiyeen ganacsatadda iyo dadweynaha gobolka Awdal.  Waxaanu gudoomiyaha gobolka Awdal sheegay inuu gacanta ku hayo lacag dhan laba iyo sodonkun iyo shan boqol oo dollar iyo kun iyo konton kiish oo raashina si dhakhso ahna ay ugu wareejin doonaan gudida abaaraha si loola gaadho dadka gobolka Awdal ee ay abaartu halakeysay.
Maxamuud Cali Saleebaan, oo  shalay warbaahinta la hadlayay  magaaladda Boorama, ayaa u mahad naqay dadweynaha iyo ganacsatadda taakuladaasi soo bixiyay.  Waxaanu  yidhi “Waxaan  aad  iyo aad aan ugu mahadnaqaya,  dadweynaha  magaaladda Boorama gaar ahaan dadweynaha danyarta ah ee gobolka Awdal, oo labadaa gaadhi ee raashinka ah deg-deg u soo  buuxiyay,  si dhakhso loola gaadho dadka ay abaartu  heysato,  mar labaad iyo mar saddexaad-ba waxaan ku baaqayaa  in lagu daydo.Waxaana  gaadiidkan raashinka dadka gaadhsiin doona dadka danyarta ah si walaalahooda abaartu halakeysay loola gaadho.”
Guddoomiye Ramaax, waxa uu  sheegay in uu gacanta ku hayo lacag dhan 32-kun oo doollar iyo raashin dhan kun iyo konton kiish kuna wareejin doonaan gudida abaaraha.  “Sidaas  daraadeed,  waxaanu gudida  aanu  u xilsaarnay arrinkan  abaarta  wixii ay dirayaan, oo ah raashin fudud inay si deg-dega noo soo gaadhsiiyaan, waxaanan gudida u xilsaaran abaaraha  ku wareejin doonaa,  lacag gaadhaysa laba iyo sodon kun iyo shan boqol oo dollar, iyo kun iyo konton kiish oo raashin ah  si dadka deg-deg loogula soo gaadho” ayuu yidhi guddoomiyaha Awdal.
Dhinaca  kale wararka naga soo gaadhaya gobolka Awdal ayaa sheegaya in  laga  helay maydka haweenay gaajo iyo haraad ugu dhimatay degmadda Boon ee gobolka Awdal,  gabadhan oo dadkii goobta tegay  ay  cadeeyeen in maydkeedina uu Waraabe  cuney. Waxaanay  yidhaaheen “Waxaanu  joognaa  degaanka Xagarre oo ay ku geeriyootay haweenay dumar ahi,  degaankan oo hoos yimaada degmadda Boon, waxaanay marxuumadani u dhimatay Haraad  taasina waxaa  cadayna meeshan ay ku dhimatay ma jiro, wax dheecaan ah  oo meesha yaala, kadibna waxaa cunay waraabe maydkeedi oo waxaa imika meesha yaala uun madaxeedi iyo maryaheedi badh” sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ah dadkii goobtasi tegay oo warbaahinta la hadlay.Dadkan goobta tagay waxay  sheegeen  in ceel biyoodkii ay dadkani ka cabi jireen uu wakhtigan gudhay taasina ay tahay ta keentay in degmadan iyo deegaanada hoos yimaada in haraad loogu dhinto.  “Dadkana waxay  ka cabi jireen ceelka Ambasa,   kadib  markii uu biyo yareeyay oo abaarta wadanka ka dhacday ay keentay in biyihii ay fogaadaan oo uu ceelkani gudho,  waxay  noqotay in dadkii iyo duunyadii degmadan iyo degaamadan ku noolaaba ay haraad u dhintaan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply