WEEDHA WARGEYSKA Somaliland Ma Ilowdo Cidda Is Garab Taagta Maalinta Adag!

0
329

Jamhuuriyadda Somaliland waxa dhaqankeeda dabiiciga ah ka mid ah inay baalasha dahabiga ah ee Taariikh qorkeeda ku calaamadiso saaxiibada maalinta adag garab istaaga iyo kuwa kalmadna ha noqotee,  qawl iyo ficilba wax ku tara.
Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka jirta abaar kulul oo ka dhalatay roob yaraantii saddexdii sannadood ee la soo dhaafay, Somaliland ayay  abaartu Tabaaleysay dad lagu qiyaasay hal malyan oo qof oo ku dhaqan gobollada dalka Bari iyo galbeedba.  Abaarahan kululi waxay si gaar ah ugu laxaadsadeen gobollada galbeedka gaar ahaan Awdal iyo Salel oo ay haraad iyo macaluul u dhinteen 9 qof oo iskugu jira waayeel iyo carruur.
Abaarta faro saartay Jamhuuriyada Somaliland waxay dhalisay biyo iyo  baad la’aan, taasi oo keentay inay le’deen xoolihii dadku dhaqanayay, bakhtiga xooluhu waxa uu sababay in xanuuno kala duwani asiibaan dadka tamar darradu ku dhacday ee wakhtiga adagi hayo oo maalmihii la soo dhaafay laga soo weriyay in shuban biyood lagu arkay dadka jilicsan ee gurmadka loogu gargaarayaa dalka ka socdo.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal qoraal ah oo uu soo saary Khamiistii la soo dhaafay, waxa uu uga mahad celiyay dawladda Imaaraadka Carabta oo sannad gudihii Somaliland soo gaadhsiisay deeqo kala duwna oo ay ugu tallo-gashay inay kaga qeyb qaadato samato bixinta dadka abaartu dhulka dhigtay. Deeqda dawladda Imaaraadka Carabta, waxa ugu dambeysay kun tan oo raashin ah oo ay todobaadkii hore dalka keentay oo ay ugu tallo-gashay in lagu quudiyo illaa siddeed kun oo qoys, gargaarkan dawladda isku taga imaaraadka carabtu, waxay Somaliland dawlad iyo shiciba u samaynaysaa macne weyn oo walaalnimo.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu dhambaal mahadnaq ah u diray Madaxweynaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, xukuumadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shacbiga dalkaas guud ahaan.
Dhambaalkan mahadnaqa ah waxa uu madaxweynuhu ku sheegay inuu si buuxda ugu mahadnaqayo boqorka, xukuumadda iyo shacbiga Imaaraadka, mahadnaqaas oo ku saabsan kaalmada taakulada isdaba-joogga ah ee ay la soo gaadheen shacbiga tabaalaysan ee reer Somaliland, taasoo ay soo bilaabeen bishii October ee sannadkii hore ilaa haddana ay wadaan oo raashin ku filan sideed kun oo qoys (8 kun) ay ugu dambaysay caawimada Isutaga Imaaraadka, kuwaas oo qaybintoodu ka socoto gobolada bariga Somaliland, gaar ahaan Togdheer, Sool, Sanaag iyo degmooyinka Oodweyne iyo Saraar,”ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay inay laabta ku hayaan waxtarka dawladda Imaaraadka carabta, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu sheegay in saaxiibka wanaagsan yahay ka marka ay baahidu jirto ku barbartaagan (A friend in need is a friend indeed). Dalka Imaaraadka Carabtu waxa uu muujiyey inuu yahay saaxiibka reer Somaliland ee waqtigan abaartu hayso, isagoo ka dalbaday madaxweynuhu inay halkaasi ka sii wadaan taakuladooda, maadaama oo abaartii baahday, dadkiina ay halis ugu jiraan macaluul, iyada oo ay dhawr isugu jira waayeel iyo carruuri ay dhinteen,”
“Madaxweynuhu waxa uu sheegay cidda aan u mahadnaqin dadka waxtara in aanay Ilaahayna u mahadnaqin, sidaasi awgeedna uu u mahadnaqayo Boqorka, xukuumadda iyo shacbiga Imaaraadka Carabta,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka  Madaxtooyada Somaliland soo saartay.
Geesta kalena, aan xusno oo xusuusano  isagana  Siyaasi magaciisa la yidhaa Sir Tony Baldry oo hore u soo qabtay xilka Wasiirka Kalluumaysiga ee dalka Ingiriiska, kana tirsanaan jiray Baarlamaanka UK, ayaa sheegay in dalka Somaliland xaq u leeyahay ka faa’iidaysiga khayraadkiisa dabiiciga ah iyo madaxbannaanida dawladnimadiisaba.
Siyaasigani waxa uu ka dhiidhiyay  Warbixin loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay soo diyaarisay Guddiga u qaabilsan kormeerka cunoqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Erateriya, ayaa eedaymo loogu jeediyey shirkad Ingiriis ah oo magaceeda la yidhaa Anglo-Somaliland Resources (ASR) oo heshiis dhinaca Kalluumaysiga ah kula jirta Somaliland, iyadoo warbixintaasi uu baahiyey wargeyska Sunday Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska.
“In warbixintu Somaliland ku tilmaanto ‘gobolka Waqooyi/bari ee ka go’ay Soomaaliya’ dhab ahaan waa marin-habaabin. Somaliland marnaba habayaraatee kama tanaasulayso inay ahayd maxmiyaddii hore ee Ingiriiska (British-Somali Protectorate), taas oo xuduudaheedu si cad loogu dhigay heshiiyadii dhex maray Boqortooyada Ingiriiska, Itoobiya iyo Faransiiska, welina xuduudahaasi waa kuwo jira,” ayuu yidhi Sir Tony Baldry oo qoraal dheer oo uu saaray lagu baahiyey shabakadda shirkaddiisu ku leedahay internetka.
Tony Baldry waxa uu si adag u difaacay sharciyadda iyo xaq ay Somaliland u leedahay aayo ka tashigeeda, isagoo ku dooday inay samaysatay dawlad degan oo dimuqraadi ah oo aan ka dhici karin inta badan dalalka afrika. Bal aan soo qaadanno sida ugu jilib dhigay ee uu runta miiska ugu saaray guddidaas warbixinta been abuurka ah ka gudbisay Somaliland.
“Arrintani waxay ku hoggaamisay Somaliland inay dib-u-soo noqoto madaxbannaanida qaranimadeedi. Taa awgeed, xaaladdeedu (Somaliland) kama duwana ta dalka Gambiya oo mar qayb ka ahaa dalka Senegal, kadibna goostay inuu dib ula noqdo madaxbannaanidiisa. Somaliland-na waxay iminka dal madaxbannaan ahayd 25 sanno, iyadoo leh xuduudo jira oo si cad u qeexan. Waxaanay samaysatay dawlad degan oo leh madaxwayne, laba gole Baarlamaan, iyadoo si joogto ah loo qabto doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamanka, si nabadgalyo ahna ay xilka kula kala wareegaan xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan, taas oo ah waxaan si caadi ah loogu arag meelaha kale ee Afrika,”ayuu yidhi Tony Baldry.
Sidaas darteed, waxa sababta aan u idhi Somaliland waa dal aan iloobi karin saaxiibka maalin uun xataa shir hal erey uga yidhaahda qadiyadeeda, iskaba daa cid intaas wax ka badan u tartee.
dawaneditor@gmail.com
cumarmfaarax@hotmail.com

Leave a Reply