Diyaarad Dadka Ka Badbadinaysa Goobaha Gubta Oo La Soo Saaray

0
431

Saynisyahano u dhashay wadanka Kuuriyada Koonfureed ayaa soo saaray diyaarad aan duuliye wadin oo loogu talo galay inay dadka kasoo badbaadiso meelaha gubta,taas oo sidoo kalena lagu caawin karo waxyaalaha kale ee aan dadka ahayn.
Khubarada samaysay diyaaradan ayaa ka socday Maxadka Science-ka iyo Technology-ga wadankaasi Koonfurta Kuuriya,waxaana diyaaradaasi loo sameeyey sida diyaarada Helicopter-ta oo kale,waxa kale oo diyaaradani isu bed bedeli kartaa siyaalo kala duwan, kuwaas oo loogu talo galay inay u gasho goobta gubanaysa hababkaasi.
Diyaaradan oo lagu magcaabo Pharos ayaa ah mid u shaqaynaysa sida qalabka Robot-ka loo yaqaano oo kale, waxaanay markay gasho goobta gubanaysa isku daboolaysaa dahaadh adag, kaas oo ah ka ka difaacaaya dabkaasi.
Diyaaradan ayaa awood u leh inay fadhiisato meelaha gidaarada ah,iyada oo siyaalo kala duwan u fadhiisan karta, waxa kale oo ay diyaaradani awoodaa inay xoog ah kusoo gasho meelaha quraaradaha ka samaysan.
Khubarada Sayniska ee samaysay diyaaradan ayaa sheegay inay ugu talo galeen diyaaradan sidii loogu caawin lahaa dadka iyo meelaha gubta, kuwaas oo waqti dheer ku qaadata dadka dab damiska ah, iyada oo lagu xidhay Kamarado fududaynaaya in lagu arko dhamaan goobaha dabku haysto.
Diyaaradan ayaa suuqyada la filayaa inay dhowaan soo gasho, iyada oo la rajaynaayo in xoog loo iibsan doono, inkasta oo aan la shaacin lacagta lagu iibinaayo diyaaradaasi.

Leave a Reply