Diyaaradii Ku Shaqaynaysay Tamarta Cad Ceeda Oo Dulimaadyadeedii Dib U Bilaabaysa

0
388

Waxa la filayaa inay dhowaan dulimaadyadeedii dib u bilawdo diyaarad nooceedu dunnida ku cusub yahay oo ku shaqaysa falaadhaha cad ceeda ama tamarta cad ceeda,taas oo maalmihii ugu dambeeyey ama bilihii ugu dambeeyey socdaalo ku maraysay dunnida meelo kamid ah.
Diyaaradan ayaa bilawday socdaalkeeda bishii April ee hore ,iyada oo muddo hakad gashay,waxaana la rajaynayaa in wareegaasi dulimaad oo ay caalamka ku maraysay ay dib u bilawdo bisha April ee sannadkan.
Diyaaradan ku shaqaynaysa Falaadhaha cadceeda ayaa socdaalkeeda joojisay kadib markii ay ku beytariyadeeda qaar kamid ahi xumaadeen ama dhaawac soo gaadhey,taas oo ay sababtay heer kulka meelaha ay martay meelo kamid ah oo aad u sareeyey.
Diyaaradan ayaa waday dulimaadyo ay ku maraysay caalamka meelo kamid ah muddo toddoba bilood ah,waxaanay wadamo badan martay shan cisho oo bilaa istaag ah,iyada oo sidoo kalena gaadhey magaalada ku taala wadanka Japan ee lagu magcaabo Nagoya ,taas oo kamid ah jasiiradda Hawaii,halkaas oo ahayd halkii ugu dambaysay ee ay dulimaad ka samayso.
Waxaanay kasoo duushay muddo ka dib halkaasi,iyada oo soo gaadhey xeebaha galbeed ee wadanka Maraykanka ,halkaas oo ay muddo joogtay,ilaa haddana ku sugan tahay.
 
 

Leave a Reply