Maalintii Oo Qofku Seexdo Lix Saacadood Waxay Ku Keentaa Jidhka Khatar Caafimaad

0
399

Daraasad ay dhowaan sameeyeen khubaro u dhalatay wadanka Maraykanka,kana hawlgala jaamacadda Pennsylvania ayaa natiijadii ay soo saareen ku sheegay in hurdada lixda saacadood ah maalin walba ay jidhka ku keento dhibaato dhanka jidhka ah.
Khubaradan ayaa sheegay in ay daraasadan ku ogaadeen in hurdadaasi maalinnimo ee ka badan lixda saacadood in ay khal khal dhanka isu socodka dhiiga ah ku keento jidhka,sidoo kalena ay qofka ka dhigto mid cadho badan.
Kooxdan samaynaysay daraasada ayaa tijaabo ku sameeyey dad gaadhaayey ilaa konton qof,kuwaas oo da’doodu u dhaxaysay 21 ilaa 38 sanno,waxaanay sheegeen inay kooxo kala duwan u kala qaybiyeen iyaga oo muddo dhanka hurdad ah u kala qaybiyeen dadkaasi.
Natiijada kasoo baxday ayaa sidoo kalena lagu sheegay in koox kamid ah dadkaasi ahaayeen kuwo cadho la soo toosay maalintaasi,halka ay kuwo kalena ahaayeen kuwo ay maskaxdoodu si deg deg ah u shaqaynaysay,iyada oo gaadhaysay heer uu dhiig maskaxda kaga furmi karaayey.
Kooxda ugu wanaagsan ayay sheegeen in ay ahaayeen kuwo ay hurdadooda maalinnimo yarayd,kuwaas oo hurdo sideed saacadood ah seexanaayey habeenkii,waxaanay khubaradani sheegeen in hurdada maalintii la seexdo lix saacadood ay keento in qofku noqdo qof cadho badan iyo sidoo kalena in ay maskaxdu u shaqayso si ka duwan sida caadiga ah.

Leave a Reply