Maalgalintii Ugu Badnayd Ee Tamarta Nadiifta Ah

0
375

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in lacagtii ugu badnayd taariikhda lagu bixiyay quwadda dib loo cusbooneysiin karo sanadkii 2015, markii ugu horreysayna abid, ay inta badan maalgelintaasi ka timid waddammada soo koraya, kharashka ay arrintan ku bixiyaan waxay waxaa uu sare u kacay 19%, halka waddammada hore u maray ay hoos u dhacday.
Daraasadda Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhowaad saddex boqol oo bilyan oo dollar la geliyay quwadda cagaaran sanadkii hore, iyadoo waddammada India iyo China ay arrintaas ugu horreeyaan.
Eric Usher oo ka tirsan sanduuqa Qaramada Midoobay ee bey’adda, oo isagu ka mid ah qorayaasha daraasadan, waxaa uu sheegay in waxyaabaha la soo ogaaday, ay guud ahaan wanaagsan yihiin, ayna muujinayaan in is-beddel uu dhacayo.
Hase ahaatee waxaa uu sheegay in waddammada qaar ay weli hubaal la’aani ka jirto, gaar ahaan Yurub dhexdeeda, iyadoo ilaa heer ay hoos u dhacayso taageerada arrintan loo hayo.
Madaxa cilmi-baarista ee xarunta school-ka_Unep ee magaalada Frankfurt, Ulf Moslener, waxaa uu sheegay in tirooyinkan ugu dambeeyay ay muujinayaan inay dhacayaan is-beddello xagga aragtida iyo qaab-dhismeedka ah oo ku saabsan adeegsiga quwadda cagaaran.
Xigasho BBC.
 

Leave a Reply