Qarax Bakistaan ku Dilay 60 Qof

0
411

Qarax galaaftay nolosha ugu yaraan 60 qof ayaa ka dhacay magaalada ku taal bariga Bakistaan ee Lahore.
Qaraxa oo ka dhacay  beer nasasho ayaa waxa ku dhaawacmay tiro kale oo aad u badan.
Sida ay sheegayaan masuuliyiintu qaraxa oo ku beegnaa caweysinkii hore waxa uu dhacay xilli ay beerta buux dhaafiyeen qoysas badan.
Booliska ayaa warfidyeenka u sheegay in uu qaraxu u muqdo qof isa soo miidaamiyay. Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay in ay ka danbeeyeen qaraxa.
Inta badan dadka dhintey ayaa la sheegayaa iay ahaayeen  dumar iyo carruur.
 
Madaxweynaha Bakistaan  Mamnoon Hussain ayaa si xooggan u canbaareeyay qaraxa, waxaanay dawladda Punjab ku dhawaaqday saddex cisho baroordiiq ah.
 

Leave a Reply