Donald Trump oo Shuruud ku Xidhay Iibsiga Shidaalka Sucuudiga

0
396

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ugu horeeyo ayaa fikradisii ugu balaadhnayd ka bixiyay siyaasada arrimaha dibbeda.
Trump waxuu cadeeyay habka ugu horeeya ee Maraykanka uu u wajihi doona siyaasada arrimaha dibada.
Mar u wareysi la yeeshay jaraa’idka Newyork Times waxaa u sheegay in uusan ahayn gooni u goosad, balse uu wax walba ka horeysiinayo Mareykanka.
Balse waxa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay qaabka Maraykanka ay u isticmalaan wadamada saxiibadiisa ah.
Donald Trump ayaa intaasi ku daray in uu dhamaan joojin doona shidaalka maraykanka uu ka soo ibsanaayo Dalka Sacuudiga.
Waxuuna arintaasi shuruud uga dhigay in Sacuudiga uu ciidan u diro Suuriya.
Mr Trump waxa kale oo uu sheegay inuu ka fiirsan doono inuu ciidamada Mareykanka ka soo saaro Jabaan iyo Koofurta Kuuriya haddii aaney mareykanka wax weyn ugu Filaan.
 

Leave a Reply