Tufaaxu wuxu dawo Ka Yahay Qufaca Iyo Xanuuno Badan

0
506

Inkasta oo ay dhamaan khudaartu leeyihiin faa’iidyoon iyo waxtar badan oo kala duwan haddana mar kasta waxa jira inay iyaga laftigooda ku sii kala badan tahay oo aanay isku mid ahayn. Tufaaxa oo la cuno hurdada ka hore ayaa leh waxtar caafimaad sida ay sheegeen daraasado la sameeyay.  Tusaale ahaan 100 grm ee Tufaaxa ah waxa ku jira
85%  miisaankeeda oo Biya ah
12% oo Sonkor ah, 40 unit oo ah Vitamin B1, 90 unit oo ah Vitamin A, 20 unit oo ah Vitamin C. Waxa kale oo ku jira macdanta milixda ah oo badan sida Potassium, Calcium, Phosphorus iyo Iron.
Tufaaxa waxa ku jira Madada la yidhaahdo Pectin taas oo fudaydisa in jidhku iska saaro Gaseska Caloosha. Cunidda Tufaaxuna Waxay yareeysaa Qufaca isagoo oo fudaydiyana inuu jidhku iska saaro BalqamkaSubaga dhiiga ku jira wuxu ka joojiya inuu kor u kaco.
Waxa kale oo uu shaqdooda u fudaydiyaa Beerka, Kelyaha iyo Beeryarada. Iyadoo la cadeeyay inuu u fiican yahay burburinta dhagaxnta kaadi haysta ku samaysanta.

Leave a Reply